Afhayeenkii guud ee xisbiga mucaaradka ee UCID iyo Gudoomiyayaasha gobolada togdheer iyo Maroodi-jeex ee xisbigaasi ayaa shaaciyay iney iska casileen xisbiga UCID , waxaaney iscasilaadooda ku sababayeen ka dib markii xisbiga UCID uu ku dhacay maamulxumo.
Gudoomiyayaasha gobolada togdheer iyo Maroodi-jeex ee xisbiga mucaaradka ee UCID ayaa ugu horeyn ka hadley waxyaabaha kalifay iscasilaadooda
“Anigoo ah cabdi dool kaariye gudoomiyihii gobolka maroodijeex ee xisbiga ucid waxan halkan ka cadeynayaa inaan dhulka iska dhigay xilkii gudoomiye nimo ee aan uhayay iyo xubinamadii xisbiga ucid, imika waxan sheegayaa iscasiladaa aan xilka wareejiyay laakin wixii sababey ama kalifey dibaan ka sheegi donaa” gudoomiyihii gobolka maroodijeex ee xisbiga ucid cabdi dool kaariye oo si rasmi ah ushaaciyay iscasilaadiisa.
Gudoomiyaha Gobolka togdheer ee xisbiga UCID ayaa isna si rasmi ah shaaciyay inuu iska casileyxilkii uu ka hayay xisbigaas”Anigoo ah Aadan Xuseen Maxamed Gudoomiyaha Gobolka togdheer ee xisbiga UCID waxaan halkan ka cadeynayaa inaa gabi ahaanba iska casiley xilkii aan u hayay xisbiga laga bilaabo manta wax xil ah oo aan xisbigaas u hayaa ma jiro waana umahadnaqaya madaxda xisbiga ucid iyo gudoomiyaha xisbiga mudadii dheerayd ee aan soo wada shaqeyneyney”ayuu yidhi Gudoomiyihii Gobolka togdheer ee xisbiga UCID
Ugu Danbeyntiina Afhayeenkii Guud ee xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre ayaa dhankiisa shaaciyay inuu gabi ahaanba ka baxay xisbiga ucid isagoo gudoomiyaha xisbiga uga mahad celiyay mudadii ay soo wada shaqeynayeen.