Xoghayaha Arrimaha Dibedda Ee Maraykanka Oo Ku Sugan Dalka Ruushka

0
529

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Maraykanka, Rex Tillerson, ayaa ku sugan caasimadda Ruushka ee Moscow asagoo maanta wadahadal la yeelan doona dhiggiisa dalkaasi, xilli ay sii kordheyso xiisadda ka taagan Suuriya.

_95592094_tillerson

Kulankan ayaa markii hore looga gal lahaa in looga baaraandego qaabka ay isu kaashan karaan Ruushka iyo maamulka Trump.

Balse waxaa taasi bedelay duqeyntii uu Maraykanka uga jawaabay weerarkii hubka kiimikada ah loo adeegsaday ee todobaadkii hore ka dhacay Suuriya.

Mr Tillerson ayaa raba in Ruushka uu xaqiijiyo in xukuumadda Suuriya ay burburiso hubka u haray ee kiimikada ah, iyo in madaxweyne Putin uu joojiyo taageeridda Bashar al-Assad.

Balse madaxweyne Putin ayaa ku gacan sayray baaqaasi, waxaana uu weerarkii kiimikada loo adeegsaday ku eedeeyay xooggaga dowladda ku kacsan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa doonaysa in Mr Tillerson uu caddeeyo siyaasadda maamulka Trump ee ku aaddan Ruushka iyo weliba Suuriya, waxaana laga dhursagayaa in wadahadalooda ay waxtar yeelan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here