War: Deg –Deg ah Xukuumada Oo Xabsiga Dhigatay Axmed Badmadowgii Boqorka Sheegtay

0
397

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa goordhaweyd xabsiga utaxaabay  badmadow oo sheegtey in uu ka mid yahay madax dhaqameedka beesha waqooyiga Hargeysa gaar ahaan in uu yahay boqorkooda Guud ee beelaha subeer AWAL. Waxaana loo dhaadhiciyey xarunta dabi baadhista Ee C.I.Da ee magaalada hargeysa

Boqor badmadow ayaa shalay waxaa uu warbaahinta hadalo xanaf leh u mariyey beesha bariga Burco oo uu ugu hanjabey in ay codkooda qasab ku siiyaan musharax Muuse Biixi hadii kale ay Hargeysa ka qaxi doonan,

dhawaaqan oo ahaa mid shacabkicin iyo isku dirka labada beelood ayaa sabab u ahaa xadhiga badmadow sidoo kale waxaa ilo xogogaala oo Shabakada Qoryaalenews helayso tibaaxayaan in dhawaaqa ninkan sheegtay inuu yahay Boqorka guud ee beesha subeer Awal ay ka dambeeyaan siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda beelaha uu sheegtay inuu boqorka u yahay kuwaas oo dano siyaasadeed oo ay lee yihiin soo dhex marsadey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here