DP World Oo Shalay Qalinka Ku Duugtay Heshiis Soddon Sanno Soconaya Oo Ay Kula Wareegayso Dekedda Boosaaso Iyo Puntland Oo Ka Hadashay

0
498

Shirkadda Dekedaha Maamusha ee DP World oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta iyo Masuuliyiinta Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, ayaa kala saxeexday Heshiis ku saabsan horumarinta iyo maalgelinta Dekedda Boosaaso. Heshiiskan oo socon doona muddo soddon sannadood ah,

ayaa waxaa wada saxeexay Madaxweynaha Puntland Cabdweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman. Heshiiskan oo ka dhacay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta,

ayaa nuxurkiisu yahay horumarinta Dekedda Boosaaso oo lagu sameeyo ballaadhin iyo casriyayn, taas oo War-Saxaafadeed ay Puntland ka soo saartay heshiiskan ku sheegtay in Dekedda Boosaaso lagu kordhin doono illaa 450 Mitir oo ballac ah, sidoo kale waxaa la dayactiri doonaa qaybta haatan shaqaysa.

Mashruucan ayaa waxaa ku baxeysa lacag dhan $336 Milyan oo Doollar, Lacagtaas oo wejiga koowaad ee Dekadda la gelin doono $ 200 Milyan oo Doollar, halka wejiga labaad ee Dekadda la gelin doono lacag dhan $ 136 Milyan Doollar. Waxa kale oo uu heshiiskani dhigayaa in dhismaha Dekadda lagu dhammays tiro muddo 24 bilood

gudahood ah oo ka bilaabmaysa maalinta heshiiska la saxeexay oo shalay ahayd. Heshiiskan cusub, ayaa ku soo beegmaya iyada oo dhawaan dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabtu ay heshiis la saxeexdeen Masuuliyiinta Somaliland, heshiiskaas oo DP World ay kula wareegtay Dekedda Berbera.

Sidoo kalena, waxay Somaliland iyo Imaaraadka Carabtu kala saxeexdeen heshiis dhigaya in Dawladda Imaaraadka Carabtu Saldhig Millateri ka samaysato Madaarka iyo Qaybo ka mid ah magaalada Berbera, kaas oo heshiiskiisu dhigayo in Millateriga Imaaraadku muddo shan iyo labaatan sannadood ah ku sugnaan doonaan halkaas. Waxa uu sidoo kale,

heshiiskan Puntland iyo DP World ku soo beegmay, xilli uu aad u xumaaday Xidhiidhka dawladaha Soomaaliya iyo Imaaraadku, ka dib markii dawladda cusub ee Soomaaliya ay ka biyo-diidday Heshiiska Saldhigga Millateri ee dhex-maray Somaliland iyo Imaaraadka, waxaanu khilaafka arrintaas ka curtay sababay inuu daciif noqdo xidhiidhkii labada waddan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here