Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu waramayaa in habeennimadii xalay sii daayeen qaar ka mid ah shaqaale caafimaad oo todobaadkan ay ka qaafasheen deegaan lagu magacaabo Caloolacad oo ka tirsan gobolka Hiiraan.
Shaqaalaha ay sii daayeen Al-shabaab ayaa waxaa ay gaarayaan afar qof, kuwaasi oo kala ah kalkaaliye caafimaad, laba arday iyo darawal, waxaana la sheegay in wali ay gacanta ku hayaan dhakhatar xanaannada xoolaha ah oo ka tirsanaa shaqaallaha ay afduubeen.
Al-Shabaab ayaa wali gacanta ku haya dhakhtarkii ay la scodeen shaqaalahaas caafimaad oo lagu magacaabo, Dr. Xasan Madoobe, gaarigiisa iyo qalabkii caafimaad ay ku shaqeyanayeen.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta Al-Shabaab ay u reebteen dhaqtarkan oo ka tirsan ururka dhaqaatiirta xanaanada xoolaha goballada dhexe.
Ugu danbeyntii, dadka deegaanka ayaa wada dadaalo ay wada hadal kula yeelanayaan Al-Shabaab, kaasi oo ku aadan sidii ay u soo deyn dhakhtarka wali ku harsan gacanta Al-shabaab.