Cristiano Ronaldo & Saaxiibtiis Oo Ka Qeybgalay Xaflad Loogu Magacdarayay Garoonka Diyaaradaha Madeira Xiddiga Real Madrid

0
868

Cristiano-Ronaldo-Airport

Cristiano Ronaldo ayaa waxaa ku wehlisay saaxiibtiis Georgina Rodriguez iyadoo garoonka diyaaradaha ee Madeira loogu magacdaray xiddiga Real Madrid.

Ronaldo ayaa ku dhashay magaalada Funchal ee caasimada jasiirada Madeira ee Portugal, waana la sharfay ka dib markii uu noqday xiddigii ugu guulaha badnaa taariikhda Portugal.

Siyaasiyiinta jasiirada ayaa go’aansaday in magaca garoonka loo bixiyo Cristiano Ronaldo Airport ka dib markii kabtanka Portugal uu xulkisa ku hogaamiyay hanashada koobka Euro 2016 oo ah koobkii ugu horeysay ee heer caalami ee ay hantaan Portugal.

Xiddiga Real Madrid ayaa koobka Qaramada Yurub waxa uu geeyayay jasiirada halkaasoo lagu xusay isaga horaantii isbuucaan.

Magaalada Funchal waxaa ku yaala taalo loo dhisan Ronaldo iyo madxaf uu si gaar ah u leeyahay Ronaldo si la mid ah huteel la yiraado Pestana Cr7 Funchal Hotel iyadoo mid labaad laga furay caasimada Portugal ee Lisbon.

Waxa uu ku laabtay garoonka diyaaradaha saaka oo Arbaco aheyd si uu uga qeybgalo xaflada magaca looga bedelayo garoonka, halkaasoo taageerayaasha ay fursad u heleen inay arkaan geesigooda.

Ronaldo dhaliyay goolka furitaanka kulankii ay guuldarada 3-2 ka soo gaartay Sweden xalayto, isagoo muddo saacad ah ku ciyaaray garoonka Estadio dos Barreiros ee magaalada Funchal.

Goolkiisa waxa uu ahaa goolkii 71aad ee uu ciyaaraha caalamiga ka dhaliyo taasoo ka dhigtay xiddiga seddexaad ee Yurub ka soo jeeda ee ugu goolasha badan.

Waxa ay haatan isku mid yihiin Miroslav Klose oo 71 gool dhaliyay mudadii uu u ciyaarayay Jarmalka. Ka dib iyaga waxaa ka horeeyay labada nin ee Hungary u dhashay Sandor Kocsis (75) iyo Ferenc Puskas (84).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here