Muqdisho(QoryaaleNews) Xiisad Ku Furantay Farmaajo, Xildhibaano Mooshin Saxeexay Iyo Lix Qoddob Oo Ay U Cuskadeen Inan Xukuumaddu Dalka Samatabixin Karin
Xildhibaanadda Baarlamanka Somaliya Iyo Beelo Isku Kaashadey Inay Ridaan Xukuumadda Cusub
Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliya Jawaari Ku Xigeenkiisa Iyo Xildhibaano Iska Waayey Liiska Wasiiradda Cusub Oo Bilaabay Olole Ay Isku Cunaduubayaan Xukuumadda Cusub
ilo xogogaala oo wargeyska SAHAN helayo ayaa sheegaya in gudoonka baarlamanka iyo xildhibaanadu wadaan mooshin ka dhan ah xukuumadda cusub ee raysal wasaare khayre waxaana xoguhu tibaaxayaan in xildhibaano gaadhaya 115 muddane ay saxeexeen mooshin lagu khaarajinayo xukuumadda cusub.
mudane yaasha mooshinka wadda ayaa ku doodaya lix qoddob oo ay sheegeen in aaney suurta gal ahayn la,aantood in lagu heshiiyo aaney xukuumaddu dhismi karin sababaha ay u cuskanayaana waxaa ka mid ah.
– In aan wada tashi buuxa la samayn sidoo kalena Xildhibaanada ayaa ku doodaya in Xukuumaddani aanay dalka samatabixin karin.
2 – In Shakhsiyaadka la magacaabay aan lagala tashan beelaha iyo odayaasha.
3- in isbadalkii la raadinayay la baalmaray
4 – In tirada Xukuumadda aan loo baahnayn xiligan adag.
5 – In la baalmaray awood qaybsiga beelaha iyo dastuurka.
6- Dhamaan maamul goboleedyada Wadanka Oo Ka Soo hor jeesta
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wada olole ka dhanka ah Xukuumadda cusub ee dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyre, iyadoo Xildhibaanadan ay maalmihii u dambeeyay isku uruursanayeen Xarunta Villa Hargeysa oo ah Xafiiska Guddoonka Baarlamaanka.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Guddoonka Baarlamaanka ay geed fadhi u yihiin ololahan socda oo qorshihiisa yahay in lagu hor-istaago Xukuumadda cusub in aan la horkeenin Baarlamaanka, inta laga saxo qaladaad ay Xildhibaanadu sheegeen inuu ka jiro habka awood qeybsiga.
Xildhibaano fara badan ayaa maalintii shalay saxiixay qaraar ka dhan ah Xukuumadda cusub, iyagoo ku doodaya in la baal maray habka awood qeybsiga, isla markaana Ra’iisul Wasaaraha aanu mudnaanta siinin sida beelaha u qeybsanayaan Wasiirada ugu muhiimsan.
Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in Xildhibaanada saxiixay qaraarka ka dhanka ah Xukuumadda ay gaareen illaa boqol Xildhibaan.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo kuxigeenkiisa C/wali Ibraahim Muudey ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin ololaha, iyagoo ka soo horjeeda qaabka Ra’iisul Wasaaraha u soo dhisay Xukuumadda.
Mr Jawaari ayaa horay u doonayay in shaqsiyaad uu watay lagu soo daro Xukuumadda, halka Guddoomiye kuxigeenkiisana uu shaqsiyaadkii uu watay uu ka dhex waayay Xukuumadda, sidaas darteed waa adkaan doontaa in Xukuumadda ay codka kalsoonida hesho, maadaama Guddoonkii Baarlamaanka ay ka soo hor-jeedaan.
Wakiilo ka socday Beesha Caalamka ayaa shalay xarunta Villa Hargeysa kula kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka, iyagoo kala hadlay arrimaha ansixinta Xukuumadda, waxaana kulankan uu ahaa mid uu albaabada u xirnaa.
Si kastaba ha ahaatee Xukuumadda cusub ee uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaare Kheyra ayaa durbaba mucaaradadii koowaad kala kulmeysa Xildhibaanada, ka hor inta aan la hor-geyn Baarlamaanka, waxaa la ogeyn tallaabada xigta ee arrintan ka imaan doonto iyo hadii gor-gortan kale uu dhici doono, si wax looga bedelo qaabka Wasiirada, inkastoo Madaxweynaha uu dalka ka maqan yahay.