Xisbiga KULMIYE Oo Ka Hadley In Khilaaf Udhaxeeyo Hogaanka Xisbiga Oo Ku Saleysan Hanashada Gudoomiyaha KULMIYE

0
523

Xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamey warar been abuur ah oo sheegaya in khilaaf udhaxeeyo hogaanka xisbiga KULMIYE kaas oo siyaasiyiin kasoo jeeda bariga burco ay Hirdan ugu jiraan hanashada jagada gudoomiyaha xisbiga KULMIYE

Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Ismaacil Cige (Jaamac shabeel) ayaa sheegay in aaney warkaasi waxba ka jirin, isagoo warbaahinta dalka ku edeeyay iney soo maleegeen wararkan, jaamac shabeel oo arrimahaasi faahfaahinaaya ayaa yidhi”Waxaa warbaahintaa wad wada ninkan madaxweynaha ah ee doland trump, baryahaaba waa ogaayo warbaahinta dagaalbuu kula jirey Qaar waakii ka mamnuucay iney shirarka aqalka cad soo galaan ee ay ka mid ahaayeen BBC-da CNNA, Ninkaasi markuu waxaas sameynaayay waxay lahaayeen waa nin waalan, laakin ma walee waa xaqiiqada taagan Meel walba warbaahintu nocaas weeye, markaa waxan ku talin lahaa warbaahintu ha iska dayso wararka been abuurka ah ee ay runta usoo eekaysiinayaan umada waxba uteri mayso xisbiga kulmiyena waxba ka qaadi mayso “ayuu Yidhi Jaamac Shabeel.

Jaamac Ismaacil Cige (Jaamac shabeel) Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ayaa intaas raaciyay”KULMIYE Xisbi manta wax la dhex dhigi karo maaha oo warbaahintu iney wax soo dhoo-dhoobto ula imaan karto maaha, raga kulmiye jogaa waxay ku murmaan ama isku tuhmaan maaha, Wax nadhexyaala maaha, Waxay anaga fidno nagu dhex dhigi karaan maaha Wixii jiraa laga waramaa ee waxan laga jirin lagama hadlo, waxaasi wax jira maaha”ayuu Yidhi Gudoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE

Gudoomiye Jaamac shabeel ayaa sidoo kale si diiran usoo dhaweeyay heshiiska dhexmaray xukumada Somaliland iyo imaaradka carabta ee lagu yagleelaayo saldhiga milatari ee imaaradka oo ku sheegay fursad dahabi ah oo usoo hoyatay jamhuuriyada Somaliland, waxaanu shacabka ugu baaqey iney gacmo furan kusoo dhaweeyaan Heshiiskaas.kulmiye-300x169

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here