Siyaasiga Ismaacil Hure Bubaa Oo Taageeray Saldhiga Imaaradku Ku Yeelanaayo Berbera, Lingaxana Ku Adkeeyay Midnimo Gabalkeedu Dhacay.

0
433

Siyaasiga Ismaacil Hure Bubaa Ayaa markale ku hadaaqey hadalo gaf iyo meel kaga dhac ku ah qaranimada jamhuuriyada somaliland, waxaanu wali ku adkeystay mab’daisii somaali wayn isagoo sheegay in dawlada somaliland wali go’doon ku jirto.

Ismaacil Hure Bubaa ayaa sidoo walaac xoogan ka muujiyay xaalada dalka Somaliland uu maraayo, waxaanu sidoo kale si dadban utaageeray saldhiga milatari ee imaaradka, Siyaasiga Ismaacil Hure Bubaa oo arinta saldhiga ka hadlaaya ayaa yidhi”horta arintu maaha uun saldhiga milatari, saldhiga milatari maxaa keenay weeyaan, saldhiga waxaa keenayaa waxaa weeyaan dekeda barbera iyo dekad mandaqada oo dham u adeegta oo dhaqaale xoog lihi ku jiro, siyaasada xooglena ay ku jirto, xaga amniga ee mandaqana doo weyn ka ciyaari karta, markaa arinta budhiga ahi maaha saldhiga, saldhigu waxaa weeyaan in la ilaaliyo dekada , waan iska garaneynaa kolka dawladi meel timaado iney galineyso intaa leeg, iyadoo Somaliland la ogsoon yahey inaan Somaliland la aqoonsan”ayuu yidhi siyaasi Bubaa

Siyaasiga Ismaacil Hure Bubaa oo waraysii siiyay hctv ayaa sidoo kale soo hadalqaadey sababta asxaabta mucaaradka ahi ay udiidan yihiin saldhiga imaaradka ku yeelanaayo magaalada berbera”waad ogaydenoo daraasadii xisbiga kusoo bandhigey saldhiga berbera, in dusheena laysku qabsado oo inagu halkii aynu ka dooneyney inaan faa’ido lehno aynu khasaare ku danbeyno ayay xaga xisbiga Waddani culeyska saarayaan, sideedana arintani dhibaato waa leedahey faa’idana waa leedahey, waxaa weeyaan in labada dhinacba ay ufiirsadanaan wixii faa’ido ah iyo wixii manfac ah, waxay ila tahey waa siyaasad caafimaad in labada dhinacba laga eego, waxaa laga hadlayaa waa dan umadeed, runtii waxay ilatahey waa arin mihiim ah mucaaradada iyo dawladuba waxay ubaahan yihiin in si dagan oo hufan loo eego, waa jiraan in dhibaatooyin farabadan inagaga imaan karo, cidina iskuma hayso faa’idada uu uleeyahey dekada berbera, runtii inagu waxan arkaa safiirka Somaliland ee dalka imaaradka uu shaqo wanaagsan qabtay uu indhaha caalamka kusoo jeediyay dalka Somaliland laakin see arintaasi waxay ubaahan tahey in la eego waayo arrimo culculs iyo dawlada inaga waaweyn oo sidey donaan iga yeeli kara ayaa meesha yala “ayuu yidhi siyaasiga Ismaacil Hure Bubaa

Geesta Kale siyaasi bubaa waxaa uu ka warbixiyay waxyaabihii ugu waaweynaa ee ay isku segaan dawlada Somaliland”wakhtigaan anigu wasiirka khaarajiga ayaan ahaa, waxaana la daabacaayay pasaporkii ugu horeeyay ee Somaliya, markaa pasaporka magaca lagu qoraayo ayaan isku qabaney, madaxweynahii somaliya ee xiligaas joogey raysal wasaarihii waxay isku raaceen in lagu qoro Dawlada federaalka somaliya kolkaa anigu waxan ku idhi maya ee dawlada federalka somaliya  maynu gaadhin gaadhin waxaana inigoo ka yimi Somaliland somaaliya iyo Somaliland ayaa midoobey waxaynu ku midowney jamhuuriyada somaliya sidaa awgeed waa in lagu qoraa pasaporka jamhuuriyada umada somaaliyeed , sidaa awgeed ayaan isugu dhacney oo aan inagu udiidey inan saxeexo wasiir ku xigeenkayga ayaa kolkaa saxeexay aniguna mudo yar ka dib shaqadii waan ka joogsadey”ayuu yidhi Siyaasiga Ismaacil Hure

Siyaasiga Bubaa oo hadalkisa siiwata ayaa intaa raaciyay”kolkaan muqdisho joogey maan aaminsaneyn in somaaliland Somaliya  ka mid tahey, imikana ma aaminsani, somaliya iyo Somaliland laba wadan oo midoobey ayay ahaayeen , waxaaney ku midoobeen magaca jamhuuriyada Somaliyeed, waxan anigu donaayay labadii qaybood oo ka kooban laba somaaliyeed oo intey isu yimaadaan hab faderaal ah kuwada shaqeeya “ayuu yidhi Siyaasiga bubaa

Siyaasiga Ismaacil Hure oo ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI waxaa uu sidoo kale ku hadaaqey in jamuuriyada Somaliland go’doon ku jirto”waxaa weeye kolbaad faaleyneyso siyaasada hadii aad dhinac u duddo hadalku sidii u yimi iyo hakuu ka yimi dee waxaa weeyaan micno ma sameyneyso, sidaan u aaminsanaa in somiland go’doon tahey ayaan hadana u aaminsanahey go’doon, sidaan u aaminsanaa buhoodle iyo galbeedka Somaliland iney wax tirsanayaan ayaan hadana u aaminsanhey iney wax tirsanayaan, somaaliland caafimaadkeeda hadaan rabno dhibaatooyinka jira waa inaan soo dhigno”ayuu hadalkiisa ku sheegay

Dhawaaqan Kasoo baxay siyaasiga bubaa ayaa daboolka ka qaadaya sida uu laabta ugu hayo mab’da Somaliland, waxaana qaabka uu uhadlayaa aad modaa in aaney iska warheyn afkiisa iyo colooshiisu.ismaacil buba

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here