Roobabkii Guga ayaa waxaa ay ka curteen deegano ka tirsan dhulka Somaliland oo mudooyinkii ugu danbeeyey ay ka jireen abaaro aad u xoogani Deeganadan oo roobku ka curtey ayaa waxaa ka mid Galbeedka Magaalada Borama , Hargeysa oo uu maanta duhurkii ka curtey , Magaalada Ceerigaabo Iyo Buuro leyda gobalka Sanaag iyo Yagoori.
Dhamaan Deeganadaasi uu roobku ka curtey ayaa waxaa dadka ku nooli aaad ugu qabowsadeen raxmaadka Eebe SWT Waxaana ay roobabkani ay imanayaan xili ay bulshada Reer Somaliland ay ku dhufteen abaarihii ugu cusla taas oo ka saheyda inta badan xoolahoodii , isla markaana ay abaartaasi sabab u noqotey in dib loo dhigo doorashooyinkii dalka ka dhici lahaa