Masuuliyiinta Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Kaashanaaya Xawlaadda Salaama Ee Shirkaddaa Telesom Oo Lacago Doolar Oo Sicir Bararka Dollarka Lagu La Dagaalamaayo Suuqyadda Ku Sii Daayey

0
524

Masuuliyiinta Banka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland oo kaashanaaya Baanka Salaama ee Shirkadda Telesom, ayaa Suuqa Sarifka iyo isku bedelka  lacaga Qalaad ee Waqda loo yaqaano ee Caasimadda  Hargeysa si wada jira ugu qaybiyey Lacag Kumanaan Doolar oo Safirlayaasha loo qaybiyey taasi oo lagu la dagaalamaayo Sicir Bararka lacagta doolarka oo cirka ku shareerna bulshaddana dhibaato weyn ku hayey Bilihiii u dambeeyey.

Masuuliyiinta Baanka Dhexe ee Somaliland oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Baanka Dhexe Maxamed Cabdilaahi (Dhoobaale),  Agaasimaha Guud ee Baanka Dhexe Cabdilaahi Xasan Aadan oo ay weheliyaan Masuuliyiinta Banka Salaama ee Shirkadda Telesom, Masuuliyiintan oo Warbaahinta kula hadlaayey Badhtamaha Suuqa Hargeysa  ee ay ku qaybiyeen Lacagtan doolarka, waxay tilmaameen inay qayb ka tahay hawlgal ay kula dagaalamayaan hoosna ugu dhigayaan Sicir Bararka lacagta dollar ka ee umadda Naafeeyey oo ay dedaal xoogan Baanka dhexe ugu jiro sidii uu Qiimaha Doolarka oo $100 (Sagaal Boqol oo Shillinka Lacagta Somaliland ah qarka u saaran ay hoos ugu soo celinlahaayeen.

Guddoomiyaha Baanka Dhexe  ee Somaliland Maxamed Cabdilaahi Dhoobaale oo ugu horeyn faahfaahin ka bixiyey hawlgalka ay Suuqa Sariflayasha Hargeysa shalay ka bilaabeen ee Qiimo bararka dollarka lagu la dagaalamaayo waxa uu yidhi “Waxaanu ku gudo jirnay maalmahanba la dagaalanka Sicir Bararka (lacagta Dollar) eek a jira Suuqyadda dalkeena Somaliland , kuwaas oo runtii  aynu u guntanahay in aanu wax ka qabano sidii uu u dhicilahaa ee Qiimaha Shillinkeenu kor ugu kicilahaa, taas oo ay iska kaashanayaan maalmahan dambe  shirkaddaha Muwaadiniinta ah ee dalka Somaliland laga leeyahay ay u guntan yihiin ay ka qayb galaan dhamaantoodba in uu Sarifku hoos u dhaco, taasna waxaanu ku baraarujinaynaa Shacbiga Somaliland iyo dadka ka ganacsada lacagtaba in  ay Shilinka kor u qaadaan oo ay ka dhigtaan lacagtooda miday leeyihiin oo ay lexejeclo kaga jirto oo ay muwaadiniintu noqdaan kuwo lacagtooda u jiidh naxa oo ay ka hortagaan qiimo dhaca uu shilinkooda Somaliland ku hayaan lacagaha qalaad iyo cidhiidhiga”

Maxamed Cabdilaahi (Dhoobaale waxa uu inta ku daray isaga oo shacabka Somaliland iyo Sariflayaasha lacaga isku bedela fariin u diraayey in arinta Sixir bararka Dollarka si muwaadinimo leh looga wada shaqeeyo oo shillinka lacagta ee Somaliland qiimihiisa iyo ahmiyadda uu dalka u leeyahay la siiyo “Shilinkeenu waa lacagta kaliya ee qoran calaamadda Somaliland, marka waxaan leeyahay qof kasta oo Somaliland ka naxaaya waa in uu Shillinka Somaliland-na u jiidh naxaa oo uu gacan ka siiyaa cida ku hawlan hoos u dhaca ama kor u qaadida shilinka lacagta Somaliland oo aynu dollarka iyo lacagaha kale ee qalaadba riixno, hadii aynaan waddninimo ku riixin oo aynaan guntiga dhiisha iskaga wada dhigin ma soconayso, marka waxaan odhanlahaa waa in laga shaqeeyaa”

Masuul  ka socday Madaxda  Salaama Bank ee Shirkadda Telesom oo afka Shirkaddaas iyo Baanka Salaama ku hadlaayey oo halka ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaanu arintan kala shaqeyn doona Masuuliyiinta Baanka dhexe ee Somaliland doolarka suuqu u baahan yahayna waanu soo gelin doona, waayo waxa nagu khasbaaya Baahida dadkayaga waxa nagu khasbaaya dadkeena shilicsan ee ah in lacagta shilinkeenu shaqeeyo, sida uu guddoomiyuhu sheegay lacagteenu waa tii qaranka Somaliland lahaa waa waxaynu laheyn , waa waxaynu wax ku kala iibsano cid kasta oo kor u qaadaana ha xasuusato inay umadda wax yeelayso anaga oo dalkeena u naxariisaneyna anaga oo eegayna danta qarankeena iyo dalkeenaba anaga oo eegayna wada tashigii na dhex maray dawladda dhexe iyo Bangiga dhexe labadaba waxa naga go’an in aanu qiimaha shilinka lacagta Somaliland in aanu halkiisa ku soo celino”

banka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here