Xisbiga UCID Oo Dhaliiley Kulankii Dhex Maray Xukumada Iyo Guddida Abaaraha, Kuna Baaqay In Xaalad Degdeg Ah La Galiyo Dalka.

0
503

Xisbiga mucaaradka ah ee UCID ayaa si adaag u dhaliiley kulan dabayaaqadii todobaadkii hore dhex maray xukumadda Somaliland iyo guddida waxaanu ku tilaamey mid aan maxsuulkii loo baahnaa kasoo bixin, xisbiga mucaaradka ah ee UCID waxaa uu sidoo kale baaq ka muujiyay xaalada abaareed isagoo ku baaqey in dalka xaalad deg-deg ah la galiyo.

Afhaayenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre Shabaash oo arrimahaasi ka hadlaaya ayaa yidhi”dawlada qoladii abaaraha oo shire ayaan habeen hore ka arkaayay Tv-ga natiijada la filaayayna kamaysoo bixin, taas oo ah in dalka xaalad degdeg ah la saaro, dawladii maxamed siyaad bare 1974-kii abaartii diyaarado, gurmadka abaaraha iyo shaqaalaha intaba istaanbey ayaa la galiyay abaartan ayaana ka adag tii taas hore dad muu dhiman, maalin walba hada waxaa laynosoo sheegayaa dad dhintay, dadka inta danbe waxay ubaahan yihiin in xeryo loosameeyo, gudoomiyaha xisbiga UCID ayuu ahaa qofkii ku dhawaaqey in gurmadkaa degdeg ah dalka lagaliyo”ayuu hadalkiisa ku sheegay  Maxamed Xasan Khayre Shabaash Afhaayenka xisbiga UCID

Afhaayen Shabaash oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray”shalay iyo daraad waxan arkeyney salaadin iyo culimo donaayay in xaalad degdeg ah dalka lagaliyo, waxan arkaayay gar-adag suldaan maxamuud guleed mire oo kun Qoys oo meshaas kusoo qaxay hortaagan, waxan leeyahey waar haka dhaga adeygiina, xiligii wax la dhaqan jirey maaha, xaalad deg deg ah dalka ha lagaliyo”ayuu yidhi Afhaayenka xisbiga UCID Maxamed Xasan Khayre Shabaashucid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here