Xildhibaan Saleeban Cali Koore Oo Luuqad Adag Ku Weeray Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiilada, Kuna Tilmaamey Danbiile Qaran.

0
498

Xildhibaan Saleeban Cali Koore oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee gobalada Bariga Somaliland ayaa waxaa uu si adag uga hor yimid golaha wakiilada Somaliland oo fadhigoodii maanta ku ansixiyey in ay xukuumadu wada hadal la gasho maamulka Khaatumo

Xildhibaanka ayaa waxaa uu sheegay in codeyntaasi aheyn mid sax isla markaana xildhibaanadii gacanta taagay aanay tiradoodu ka badneen 20 xildhibaan kuwaas oo uu tilmamay in uu dhegta wax ugu soo sheegay Gudoomiye ku xigeenka Golahaas oo uu ku sifeeyey mid ka faa,ideysana shir gudoominta golahan mudada uu Ciro dibada ku maqan yahay

Sidoo kale Xildhibaan Saleeban Cali Koore ayaa waxaa uu Gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ku sifeeyey in uu yahay danbiile Qaran, Isla markaana dhabarka ka qaniiney qaranimada Somaliland

“horta guud ahaan xildhibaano badani meesha ma fadhiyin, xildhibaano labaataneeyo ahbaa joogey, waana baashe intii yarayd ee cirro maqnaa ayuu ka faa’ideysanayaa xildhibaano uu saaka soo xushey ayuu joogta uga yeedhay, ma waxaa la taageerayaa nin yidhi xukumadbaan ahey Somaliland joogta waa arintii yarayd ee shirkii ay halkaas isugu tageen iyagoo qoys ah, wax anaga na quseeya iyo wax dadka degaanka gobolka sool khuseeya maaha,xukumadu hadey heshiis la galayso wakhtiga uu heshiisku dhamaado ha lasugo, laakin hada gole taageeray ma jiro”ayuu hadalkiisa ku sheegay xildhibaan Saleeban Cali Koore

Xildhibaan koore ayaa intaas hadalkiisa ku ladhey”nin yidhi waxan ahey xukumad Somaliland ka jirtaa ninka golaha keenay waa danbiile qaran, waa dadka aan somalilandnimadu ka dhaadhacsaneyn, nin leh madaxweyne ayaan ahey oo xukumad ayaan ahey oo dalka gudihiisa fadhiya halatageero leh khaatumo waa caadifad reer iyo baqdin farabadan oo ay ka qabaan degaanka”ayuu yidhi xildhibaan Saleeban Cali Koorex koore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here