Madaxweynaha Turkiga Iyo Taliyaha Milliteriga Turkiga Oo Muqdisho U Imanaya Furitaanka Saldhig Milliteri Oo Ay Muqdhiso Ka Dhisteen

0
570

Dowladda Turkiga, ayaa la filayaa in bisha soo socota ee April, ay xariga ka jarto saldhig Military oo ay ka dhisatay magaaladda Muqdishu, sida uu qoray Wargeyska Daily Sabah ee ka soo baxa magaalladda Istanbul.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, iyo Taliyaha Milliteriga Turkiga, Kholousy Ascar, ayaa lagu wadaa in booqasho ay ku yimaadaan magaaladda Muqdisho, xariggana ka jaraan saldhiga.

Saddex Dugsi Tababar Milliteri ah, ayuu leeyahay saldhiga waxaana uu qaadi karaa 1,000 askari, waxaana lagu qarash gareeyay 50-million oo Dollar, sida warbixin ay sheegtay.

Dhismaha Saldhigga Milliteri ee Turkiga waxa uu bilowday sannadkii 2015-kii.

Dowladda Turkiga ayaa ah saaxiibka aadka ugu dhow Soomaalidda, marka loo eego wadamadda kale ee xidhiidhka la leh dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxaana furitaanka bayska saldhiga milatari ee turkigu ku soo beegmayaa xili dawlada somaliya ee gadhwadeenka ka yahay madaxweyne farmaajo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu fuushay sidii ay iskugu cuna duubi lahayd inay is hortaagto saldhiga dawlada imaaraadka carabtu ka dhisaneyso magaalada berbera  saldhigaas oo ah mid walaac xoogan ku abuurey dawlada somaliya walaacaas oo salka ku haya in dawlada somaliya ka cabsi qabto in dawlada somaliland la ictiraafo kaas oo indhaha beesha caalamka ku soo jeediyey iyo sayladaha dunida ee daneynaya in horumarka somaliland ka socda ay dacalka ka qabsadaan oo ay maalgashtaan. hadaba waxaa shacabka soomaalidu isweydiinaysaa maxaa dawlada somaliya mar hadii ay dalkeeda saldhig ka siisay dawlada turkiga udiidan tahay in somalilandna dhankeeda siiso dalka imaaraadka carabta. madaxweynaha turkiga

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here