Golaha Wakiilada Somaliland Oo Taageeray Wada Hadalada Somaliland Iyo Kooxda Khaatumo

0
526

Fadhigii maanta ee golaha wakiilada Somaliland oo uu shirguddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax ayaa cod gacan taag ah waxa lagu meel mariyay in golaha wakiiladu tageero wada hadalka Somaliland iyo kooxda khaatumo u socda.

 Fadhigan oo ay ka soo xaadireen 44 xildhibaan ayaa guddoomiye baashe waxa uu ku wargaliyay in cod gacanta ah loo qaadayo sidii golaha wakiiladu u taageeri lahaa wada hadalka u socda maamulka khaatumo iyo Somaliland.

 “fadhiga golaha waxa ka soo xaadiray 44 mudane 42 mudane waxa ay taageereen wada hadalkii u socday xukuumadda iyo maamulka khaatumo cidi may diidin hal xildhibaan wuu ka aamusay guddoomiyahuna muucodayn,markaas sidaas waxa uu golahu ku taageeray wada hadalka khaatumo iyo xukuumadda Somaliland u socda”sidaas ayuu yidhi guddoomiye baashe Maxamed Faarax

Fadhiga golaha oo socday ayaa xildhibaano ka baxeen waxaan ay guddoomiyaha ku edeyeen inuu ku kacay falal lidi ku ah qaranimada Somaliland iyaga ku tilmaamay inuu koox yar oo gudaha Somaliland rabashado dagaal ka wadda inuu u aqoon saday maamul.goolaha gurtida

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here