Dooni Somaali Ku Jirto Oo Gantaal Lagu Dhuftay, Magacyada Dadka Saarnaa, Gobolada Ay Kasoo Jedaan Iyo Wararkii Ugu Danbeeyay.

0
400

doonta

Iyada oo shalay ahayd kadib markii diyaaradd kuwa dagaalka ay ay duqayn u gaysatay doon ay saarnaayeen dad Somali ah oo marayey xeebaha dalka Yamen una sii jeeday sida la sheegay dalka Sudan ayna ku beegsatay gantaal ayaa waxa duqayntaasi ku dhintay inta la og yahay in ka badan 30 qof oo somali ah.

Gantaalkan lala beegsaday doonta oo aan ilaa hadda la garanayn diyaaradda la beegsatay iyo halka ay kasoo jeedo ayaa waxaa Wargeyska SAHAN ay baadhitaano dheer ka gashay inay soo hesho magacyada dadka ku dhintay iyo kuwa ku dhaawacmay gantaalkaasi lala beegsaday doonta ay saarnaayeen ee maraysay xeebaha Yamen oo si aan u ogaano magacyadooda xidhiidho badan la samaynay dad ku kala sugan Sudaan iyo Yamen iyo dalka gudahiisaba.

Dadkaasi waxay noo xaqiijiyeen in doonta dadka saarnaa ay u badnaayeen dhalinyaro Reer Somaliland ah kuwaas oo kasoo kala jeeda gobolada Maroodi-jeex,Togdheer, Sool iyo waliba Buuhoodle.

Dhalinyaraddan Somalida ah oo aan magacyadooda qaar kamid ah idiin soo gudbin doono ayaa waxa wali baadhitaano iyo daba gal lagu hayaa dad badan oo Somali ah oo la garan  la yahay halka ay kasoo jeedaan sidoo kalena waxa cusbitaalada lagu dawaynayaa dad ku dhaawacmay duqayntaasi ay diyaaraddu gaysatay,waxaana sidoo kalena shabakada Ramaasnews baadhitaano ku wadaa sidii ay usoo heli lahayd magacyada dadkaasi oo dhamaystiran.

Halkan hoose ka akhriso magacyada qaar kamida dadkii ku dhintay doontaasi iyo kuwa dhaawacmay ee hadda lagu dabiibayo cusbitaalo kala duwan oo ku yaala xeebaha dalka Yamen.

  • Deeq Mahad Faarax oo kasoo jeeda Laascaanood              (Dhimasho)
  • Xafsa Cumar Daroori oo kasoo jeeda Laascaanood          (Dhimasho)
  • Ayaan Maxamed oo kasoo jeeda Laascaanood                            (Dhimasho)
  • Faadumo Yuusuf Haybe oo kasoo jeeda Laascaanood               (DHimasho)
  • Aaamina Baaxeer oo kasoo jeeda Burco Dhimasho Balse si rasmi ah looma xaqiijin
  • Hibaaq Axmed Tarabi oo kasoo jeeda Burco oo wali dhimashadeeda lagu muransan yahay
  • Muxumed ISmaaciil oo kasoo jeeda Hargeysa     (Dhimasho)
  • Maxamed Aadan Cabi( Maxamed Timo) oo kasoo jeeda Burco       (Dhimasho)
  • Cabdiraxman hassan mohamoud oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas
  • Maareeye Cabdiraxmaan oo dhaawac ah kana badbaaday duqayntaas
  • Cabdi Xasan oo dhaawac ah kana badbaaday duqantaas kana soo jeeda Laascaanood
  • Guuleed Cabdifataax Giirre oo kasoo jeeda Hargeysa          (Dhimasho)
  • Cabdirisaaq Dayyaxo kana soo Jeeda Burco      (Dhimasho)
  • Xamdi Xasan Faahiye oo kasoo jeeda Laascaanood waa dhaawac
  • Ibrahim Ahmed Sacadaale kana soo jeeda Hargeysa    (Dhimasho)
  • Ubax Xuseen Cabdilaahi oo kasoo Jeeda Burco     (Dhimasho)
  • Cabdiqani Xuseen Cabdilaahi kasoo jeeda Burco    (Dhimasho)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here