Wasiirka Wasaarada Madaxtoyada Soomaliland Maxamuud Xaashi Cabdi Ayaa Baaq Ku Aadan Gurmadka Abaaraha UDiray Beeshay Caalmka isagooo ugu baaqay kana codsaday inaay lasoo gaadhan gurmad bini aadanimo .
Wasiir maxamuud xaashi cabdi oo ka hadlayay kulan ay gudida abaaruhu ku qaateen gudaha qasriga madaxtooyada soomaliland ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa”lix bilood ayay maanta abaartu baarka goysay,waxaynu marayna marxaladii ugu adkayd,waxaynu u baahanahay oo hadalkan daranyahay laba arimood,ta koobaad,mid waa guubaabo iyo qaylo dhaan,maadaamoo duruuftii abaartu sii adkaatay,bishii sadexaad ee sanadka oo kalabadha aynu ku jirno,waxaan shacabka soomaliland ,meel alle iyo meel ay jooganba dibad iyo gudaba ugu baaqayna,in ay guntiga dhiisha iskaga dhigaan,oo ay ka qayb qaataan ,taakulaynta dadka ay abaaruhu saameeyeen,waxaanu ugu baaqayna,bulshada caalamka,iyo ururada samafalka,dhamaantoodba,inay gurmad bini aadanimo,dadkaa saboolka ah,ee waayuhu hayaan lasoo gaadhaan,waxaanu jecelnahay,inaanu guubaabino,oo dhiiri galino,bulshada soomaliland,barnaamijka isku tiirsanaanta iyo is wax tarka,oo ay in badan oo ka mida ay wado.