Masuuliyiin Macasalaameynaya Tareenka Xukuumadda Iyo Xubno Cabsi Daris La Noqdey
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (SIILAANYO) ayaa isku shaandheyn mug weyn ku kala haadinaya golaha xukuumadiisa waxaana digteero duco qabe xilka tiri ah lagaga xayuubin doonaa masuuliyiin weheshanaya ardaaga xukuumadiisa isagoona madaxweynuhu cuganayo masuuliyiin dacalka ka raacidoona tareenka xukuumadiisa,
waxaana ilo xogogaala oo lagu kalsoon yahay tibaaxayaan in isku shaandhayntani tahay mid ka culus miishaartii hore madaxweynuhu ku sadqayn jiray ama derajada ugu dalacsiin jiray masuuliyiinta uu cugto si inta ka hadhay cimriga xukuumadda talada haysa ay sii xoojiyaan dhabaha horumarka,
sidoo kale isku shaandhaynta kaabiga saran ayaa ah mid galaafandoonta masuuliyiin xilal muhiim ah ka haya dawlada waxaana lagu macneeyey inay wakhtigan la jaanqaadikari waayeen tareenka xukuumadda isku shaandhaynta ayaa saamayn doonta dhamaan golaha xukuumada waxaana ugu badan golaha wasiirada kuwaas oo noqdey kuwo cabsi deris la noqdey oo wadnaha faraha ku haya iyagoo isdiidsiinaya inay waayaan marinkii ay ka soo galeen masraxa siyaasada.
dhanka kale isku shaan dhaynta ayaa lagu macneeyey inay tahay midkii kaambaynka uu ku gali lahaa xisbiga xukuumadu ka dhalatay ee KULMIYE si loo soo dhiso xubno kaambayn oo deegaanada ay ka soo jeedaan cod uga keeni kara kuwaas oo ah masuuliyiin awood badan ka haysta deegaanka ay siyaasad ahaan umatelaya xukuumada xogahan ayaa sheegaya in isku shaandhaynta ay qayb ka tahay agaasimayaasha guud ee xukuumadda iyo hogaamada ciidanka kuwaas oo samayn ku mugleh ku yeelanayso badelka golaha wasiirada.