Madaxwayihii Hore Ee Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud Oo Ka Dhoofay Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Soomaliya

0
433

Madaxwanihii hore ee soomaliya xasan sheikh maxamuud ayaa ka dhoofay caasimada soomaliya ee muqdisho isagoo usii jeeda dalka dibadiisa tan iyo markii kursiga madaxwaynenimo ku wareejiyay madaxwayne farmaajo ayaa waxa uu sheegay inuu galayofasaxiisii ugu horeeyey ayaa waxa kusii sagootiyay garoonka afhayeenka baarlamaanka soomaliya mr jawaari iyo xildhibaano ka tirsan labada gole aqal waxanu xasan sheikh maxamuud shacabka soomaliya ka codsaday si buuxda loola shaqeeyo dawlada uu hogaamiyo maxamed cabdilaahi farmaajo waxaanu yidhi”umada soomaliya meelkastay jogto waxan u diraya salaam iyo hambalyo ,wanaag iyo guul Ayaan u rajaynaya,fasaxaygii ugu horeeyey Ayaan galaya,mudo kooban ,waanan soo noqonaya haduu alle yidhaahdo,dhamaan waxaan mar kale ugu baaqaya umada soomaliya in dawlada lala shaqeeyo ,dawladnimada in laga shaqeeyo,waxkasta oo dawladnimada caawinayana laga shaqeeyo,mar kale waxaan ku celinaya dawlada cusub ee uu hogaaminayo madaxwayne farmaajo in lala shaqeeyo,mucaaradad iyo buuq faaido ma laha hala is kaashado.

Madaxwaynihii hore ee soomaliya xasan sheikh maxamuud ayaa shacabka ku baraarujiyay inay isku gurmadaan lana badbaadiyo dadka abaaruhu ku haystaan magaalooyinka dalka soomaliya waxaanu yidhi”waxaan umada ugu baaqaya inay meel kastooy joogaan is taageeraan ,dadka abaaraha haystaan aad loo taageero,mashruuca ugu way nee inoo yaala waxa weeyaan nafta qofka oo la bad baadiya ,ilaahayna waxaan ka baryayaa inuu roob khayr qaba oo caafimad qaba ,hala is cafiyo ilaahay haloo dhawaado ,meeshaas ayaa wanaaga aduunyo iyo ka aakhiraba ku jiraa.

Xasan sheikh maxamuud madaxwaynihii hore ee soomaliya ayaa mar hore waxa uu sheegay inaanu ka bixi doonin dalka isla markaana uu deganaan doono magaalada muqdisho iyadoona lagu daray baarlamanka federaalka soomaliya .

 xasan shiikh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here