Hay’adda WFP Oo Raashin Wakhtigiisu Dhacay U Qabisay Boqolaal Qoys Oo Ku Nool Degmada Salaxley.

0
466

Hay’adda qaramada Midoobey u qaabilsan cuntada aduunka ee magaceeda loo soo gaabiyo WFP ayaa deeq raashin ah oo wakhtigiisu dhacay soo gaadhsiiyay boqolaal qoys oo ay abaaruhu saameeyeen isla markaana ku nool tuulada Ina-Guuxaa oo  hoos timaada Degmada Salaxley ee gobolka Maroodi-jeex

Waxaana raashinka dhacay  ee qoysaska tabaalaysan loo qaybiyey laga soo saaray sida la sheegay hoolka kaydka raashinka ee hay’adda WFP,waxaana raashin dadkan jlicsan loo qaybiyey ay iskugu jireen Bariis,Baasto,Sonkor,Daqiiq,Saliid Timir Iyo waliba Caano.

Rashiinkan oo ahaa raashin intiisa badan uu dhacay isla markaasna wakhtigiisu uu ku eekaa 2015-2016 loo qaybiyey dadkaasi tabaalaysan ee ay abaaruhu caydheeyeen ,qaarkood na ay kasoo hayaameen deegaanada gobolada Bariga Somaliland isla markaaana socod dheer  usoo galay sidii ay baad iyo biyo u raadsan lahaayeen.

Waxaana raashinka dhacay loo qaybiyey in kabadan 160 qoys oo ku nool deegaanka Ina-Guuxaa isla markaana wahel u ah diifta,daranyada,diihaalka iyo waliba macaluusha ay abaartani darani sababtay qaarkoodna ay safaro dhaadheer usoo galeen sidii ay nafahooda u badbaadin lahaayeen kana soo  kala hayaameen deegaanada gobolada bariga Somaliland ee ay abaarta xuni ka jirto

Odayaasha iyo waxgaradka deegaanka Ina Guuxa oo ah deegaanka ay ku nool yihiin qoysaskan tabaalaysan ee loo qaybiyey Raashinka dhacay ayaa sheegay in raashinka la qaybiyey uu qaarkood dhacsanaa iyaga oo xukuumadda Somaliland-na ku eedeeyey inaanay dan iyo muraad ka lahayn dadka Jilicsan ee ay masuulka ka  tahay,sidoo kaelna waxay sheegeen in xukuumaddu ay ku fashilantay gurmadka iyo taakulaynta dadka ay abaaruhu caydheeyeen ee ku nool deegaanada degmada Salaxley iyo waliba inay xakamayso raashinada dhacay ee dadka loo qaybinayo.

Odayaashan iyo waxgaradkan ayaa ka markacay in aanay ahayn markan markii kowaad ee raashin dhacay loo qaybiyo dadka ku nool deegaanada degmada salaxley,sidoo kalena waxay hoosta ka xariiqeen in raashinkan dhacay in ka badan 300 oo qoys loogu qaybiyey gudaha degmada Salaxley.

Mar aanu isku daynay  in aan  khadka telefoonka kula xidhiidhno gudoomiyaha degmada Salaxley si aan wax uga waydiiso raashinka dhacay ee dadka jilicsan loo qaybiyey ayaanay noo suurtogalin.

Gabagabadiina Xukuumadda Somaliland ayaa iyadu ku fashilntay in ay kaantaroosho isla markaan xakamayso raashinada dhacay ee loo qaybinayo dadka ay abaaruhu caydheeyeen isla markaana u baahan gurmadka deg deg ah,mana ah markii u horeysay ee Hay’adda WFP ay hoolkeeda kaydka raashinka kasoo saarto raashin wakhtigiisu dhacay isla markaana u qaybiso dadka jilicsan ee gurmadka iyo kaalmada bini’aadamtinimo u baahan.wfp

Xigasho”Wargeyska Somaliland Todayrashin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here