Wasiirka Hawlaha Guud Oo Sheegy In Ay Dhamaad Ku Dhawdahay Dhismaha Waddada Ceerigaabo, Kana Hadley Saameynta Dhoofkii Xoolaha Ee La Joojiyay Ku Yeeshey Waddada.

0
486

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta somailand ayaa cadeeyay iney dhamaad ku dhawdahey wadada silaanyo road oo isku xidheysa gobolada sanaag iyo togdheer, Wasiir cali xasan maxamed (cali mareexan) ayaa sidoo kale carrabka ku dhuftay iney wadada qaadhankeeda iyo maskaxdeedaba leeyahiin shacabka Somaliland

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta somailand cali xasan maxamed (cali mareexan) oo waraysi siiyay BBC-da laanteeda afka somaliga ayaa yidhi”wadada burco iyo ceerigaabo waa mashruuca ugu balaadhan ee jamhuuriyada Somaliland ka socda waana mashruuc gabi ahaanba qarashka ku baxaya dhaqaalihiisa iyo aqoontiibsa ay jamhuriyada Somaliland iska leedahey wuxuu marayaa meel aad iyo aad ufiican oo gebo gebo ku dhaw, laba qaybood ayuu mashruucu usocdaa sida dadka wada ogyahey, qaybi waa qaybta laamigu dhameystiran yahey 124-km ayaa dhamaystiran, qayb kale ayaa jirta oo caro koowo la dhaho oo dhamaystiran oo gaadhigu caadi ugu soconaayo oo iyana 8km ka hadhsan tahey isku xidhkooda”ayuu yidhi wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta Somaliland

Wasiir cali xasan maxamed (cali mareexan) oo halkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay” wax ha’ayad ah iyo wax dawlad ah oo gacan ka gaystay ma jirto boqolkiiba boqol dhaqaalaha jamhuurida Somaliland ayaa lagu bixiyay, dhaqaalaha badankiisu misaaniyada qaranka ayay ku jirtaa oo cashuurtii dadka laga qaadey, markaa misaaniyadii dalka, waxaa jirta lacag dhaqaan ah oo fara badan oo muwaadinintu ay bixiyaan oo ilaa ardeydu ay ka qayb qaatey laakin waxan odhan karaa %90 misaaniyada dawlada ayaa lagu bixiyay”ayuu yidhi cali xasan maxamed (cali mareexan) Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta somailand

Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta somailand cali xasan maxamed (cali mareexan) oo hadalkiisa siiwata ayaa sidoo kale ka Hadley in dhoofka xoolaha ee la joojiyay uu saameyn ku yeeshay dhismaha wadada ceerigaabo waxaanu yidhi”horta culeys uu jiraa ku sahabsan dhoofka xoolaha ee la joojiyay laakin waynu dadaaleynaa wadadii oo meel fiican maraysaa inaaney wax saameyn ah ku yeelan”ayuu yidhi Wasiirka hawlaha guud iyo guriyaynta somailandwasir cali mareexan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here