“Dalku Khalkhal Ayuu Ku Jiraa”Suldaan Maxamuud Guleed Mire Oo Xukumada Somaliland-na Ku Canaantay Iney Ka Gaabisey Caruur La Afduubey.

0
511

SULDAN M GUULED

Suldaan Maxamuud Guleed Mire oo ka mid ah salaadint waaweyn ee Somaliland ayaa ka Hadley caruur maalmihii ugu danbeysay lagu afduubaayay magaalooyinka waaweyn ee dalka , suldaanka ayaa sidoo xukumada Somaliland usoo jeediyeen iney guddid usaarto arintan oo uu si adag uga dayriyay

Suldaan Maxamuud Guleed Mire oo arrimhaasi ka hadlaaya ayaa yidhi”waxan dawlada usoo jeedinayaa, baryahan danbe waxaa badan dad la afduubaayo, wadankii khalkhal ayuu ku jiraa caruurtii waxba loo dirankarimaayo, wadankuba halis ayuu ku jiraa, waxaa ugu danbeysay caruur shalay laga afduubey”ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Guleed Mire

“arintaasi maaha wax manta bilaamey 20 sano xili ku dhaw ayay socotey, laakin imika waxay u eegtahey iney faraha ka baxdey waxan xasuustaa xiligii dawladii cigaal inankii subeyr la odhan jirey ee la afduubey 2004-tii oo wargeyska jamhuuriya subax walba soo sawiri jirtay isagoo inta la waayay oo meel walba ka guban ilaa maalintaa dadka waa la waayay, ilaa hada wax warbixin ah oo booliska Somaliland sameeyeen ma jirto, dadbaa la qabtaa laakin waa layska sii dayaa waxan anigu dawlada leeyahey xaaladu meel halis ah ayay taagan tahey”ayuu yidhi Suldaan Maxamuud Guleed Mire

Hadalka Suldaanka ayaa kusoo beegmaya xili mudooyinkii ugu danbeeyay ay gobolada dalka kusoo yeedhaysay qayla dhaan muujineysa in caruurta iyo dumarka laga kaxaysto banaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here