Wasiiru Dawlaha Nabadaynta Gobolada Bari Ee Soomaliland Oo Kulan a Qaatay Odayashii Ka Qyab Qaadanayay Nabadayntii Beelihii Walalaha Ahaa Ee Koonfurta Gobolka Sool

0
520

qoryaaleWasiiru dawlaha  nabadaynta iyo horumarinta  gobololada bari ee soomaliland cabdirashiid xuseen carab oo ku sugan magaalada laascaanood ayaa kulan loogu xoojinayo nabada koonfurta gobolka sool la yeeshay cuqasha iyo wax garadka deegaankaasi oo kormeer nabada kaga soo labtay deegaankaasi iyagoo dhamaan cuqaashii madasha shirkaasi ka hadashay ku dheeraaday ahmiyada nabadu u ledahay deeganada koonfurta gobolka sool iyo guud ahaan teedba waxaana hadaladii cuqaasha iyo wax garadka ka mid ahaa”mar u horaysa ilaahay waxan ka baryaynaa nabadayntaas ,culimaa iyo wax garadka gobolka sool wadaan,in ilaahay ku guuleeyo,oo hawshaasi wanaag iyo nabad ku dhamaato Ayaan ilaahay uga baryaynaa,beelaha dhibku ka taaganyahay ,wadaada ,culimada iyo odayasha u kacay ,waxaan leeyahay dhibku waa fara badanyahay,ee ha ka daalina oo ha ka caajisina waan idinku soo dhawaynaynaa,kormeerkaasi sadex maalin iyo sadex habeen ayuu soo socday,dad nabad raba ayay soo arkeen ,dadku nabad galyo ayay u baahanyihiin,nabadaasi dadku way wad aqaateen,waxaan rajaynaynaa in halkaa laga sii wado,haday gobolka tahay iyo haday deeganada kaleba tahay.

Intaasi Ka Dib Gudoomiyaha Gobolka Sool cabdi khayre dirir oo kulankaas ka qayb galay ayaa isna dhankiisa ku bogaadiyay cuqaasha iyo wax garadka hawsha nabadaynta waxaanu yidhi”waxay ahayd uun in halkan la iskugu imaado oo la is xog waraysto ,ergadii ay direen ,innay soo wacyi galiyaan dadka ay mudada sadexdaa cisha ku maqnaayeen,runtii war bixin fiican ayay ka keeneen,nabad galyo ayay ka keenen,waxay ka keeneen inay dadku diyaar u yihiin,inay nabada qaataan.

Ugu danbayntii wasiiru dawlaha horumarinta iyo nabadaynta gobolada bari ee soomaliland cabdirashiid xuseen carab ayaa u mahad naqay odayaashii iyo wax garadkii culimo awiinkii ka qayb qaatay hawshaa nabadaynta waxanu yidhi”waxaan aad ugu mahad naqayaa ,dhalinyaadii ,cuqaashii iyo odayasha ,culimo awdiinka ,shirkan qabtay iskuguna yimid,mar kale waxaan si gaara ugu mahad celinaya ,waftigii labada qaybood ee soo maray deeganka dadkani degaan,iyagoo ka qayb qaadanaya,wacyigalinaya dadwaynaha ,dajinaya,si guud waxaan ugu mahad naqayaa,ducana ugu daraya,culimadii iyo wax garadkii la socday ee dhax galay hawshan,isna dhax taagay,aana ku kulanay,shalay iyo daraadba magaalada ,aanan arkay meel aad u wanaagsana oo daacada ,labada reerna soo arkeen,dajin iyo wacyi galin badana ka qayb qaatay,intaaba waan uga mahad naqaya,ilaahayna waxaan ugarajaynaya intaas inayna halkaas kasoo noqon.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here