Shacab Ku Dhaqan Oo Degmada Maxamed Mooge Ee Magaalada Hargaysa Oo Ka Cabanay Dhul Ay Lahaayeen Oo Laga Baabiiyay Iyo Dawlada Oo Ay Baaq U Direen Ku Aadan Bur Burka Dhulkood

0
451

hacab ku dhaqan degmada maxamed mooge ee magalada hargaysa oo cabasho baladhan ka muujiyay dhul ay Sheegeen Inay lahayeen oo laga galiyay cagaf lagana baabiiyay seesaskii ayaa xukuumad agar ahaan dawlada hoose ee caasimada hargaysan ugu baaqay in loo cadeeyo sababta ka danbaysa in laga baabiiyo seesaskii dhulkooda ay ka dhisteen  maadaamo ayna jirin cid ku haysata wa siday sheegeene shacabkan oo warbaahinta la hadalay ayaa waxa hadaldoodii ka mid ahaa”waxaanu ka ashkatonayna,oo nagu dhacay,dhul dhan oo dhisnaa,oo intaa aanu cashuurtiisa bixinaynay,aniga waxaan bixinayay ilaa labadii kun iyo labadii,ayaa nalaga bur buriyay,cida naga bur burisay dawlada u gacan dheer oo qaban karta,waanu dulmanahay,dhibaataa nagu dhacday,dhulkii aanu lahayn ee seesanay ayaa la bur buriiyay,banaankaas ayaa laga soo saaray,waxaan idin leeyahay dee idinka dawladiiye oo dadkii kala ilalinaye,cida samaysay sidaa ,ama dawlad hoose ha ahaato,am acid kale ha ahaate,dee wax ha ka qabato,intii ogaalkayaa cid nagu haysatay garan mayo,nin baa bari odhan jiray ,buuraha Ayaan leeyehoo,markii danbena marbuu  dawlada hose ayuu tagoo,waxa lagu yidhi waar naga tag buuraha ilaahaybaa lee,cid kale oo nagu haysata ma ogin.

Geesta kale gudoomiyaha degmada maxamed mooge oo warbaahintu wax ka waydiisay baabiinta dhulkan ay shacabku degmadaasi ka cabanayaan in laga baabiiyay ayaa geestiisa iska fogeeyey inaanu waxba ka ogayn kala socon cida baabiisay seesaskaa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here