Gudidii Abaaraha Oo Fiintu Dhexmiranayso Iyo Dilalka Raashinkii Abaaraha Oo Laysku Maandhaafsan Yahay.

0
551

Hooyada Iyo Dhalaanka Macaluusha Hoyga U Noqdey Oo Dhawaaqoodii Dhegaha Laga Fureystay

Gudidii Abaaraha Oo Madaxa Iskula Jira Iyo Xubno Aan Isku Sanbanaaney Oo Isku Horfadhiya Xubintii Soo Iibin Lahaa Raashinkii Abaaraha Loogu Talo Galay

Gudidii abaaraha oo fiintu dhex miranayso iyo isaseeg beeca raashinka abaaraha oo soo kala dhexgalay ilo xogogaala oo wargeyska SAHAN helayo ayaa tibaaxaya in khilaaf ban ka dhex curtay gudidii abaaraha qaranka  waxaana xogohani tibaaxayaan in khilaafkani salka ku hayo soo iibinta raashinkii abaaraha loogu talo galay oo xubno hogaanka gudida ka mid ahi midba dhankiisa quud-daraynayo inuu isagu soo iibiyo taas oo dhalisay in ay isku maandhaafeen in ay isku deystaan midka soo dejinaya raashinka,

waxaana badkayimi beeca kala jiidashada aan isku sanbanaaneyn ee ragaadiyey gudidii salka maatida leeday loo igmadey samatabixintooda kuwaas oo gurmadkii abaaraha kaga mashquulay inay iyagu isku muuqdaan kala  jiidashada lacagta dhextaal xili abaartii afar jirsatay oo dhawaaqa maatida ka soo yeedhayaa noqdey dhiilo beerxanuun gurmadla taas oo keentay dhimasho iyo dhulyaal tamar daran.

Dhawaaqa maatida leeday ayaa ah mid ay ka indho xidheen gudidii abaaruhu taas badelkeedana u badeshay inay isku qabsadaan ruuxii soo iibin lahaa raashinka la dilaalay ee abaaraha waxaanay kaga mashquuleen daawashada daaraha hargeysa iyadoona aaney jirin qiimayn gudidaasi ku samaysay deegaanada abaarta la ildaran.

Abaartan afar jirsatay ayaa ah mid saamayn xoogan ku yeelatay duunyadii dadka waxaana jira dhimasho iyo gaajo baahsan oo loo dhintay mana jiro wax gar-gaar ah oo xukuumadda iyo gudida abaaraha ka soo gaadhay xaalada abaarta ayaa ah mid ka sii daraysa oo dadkii hayaamay layihiin hoy ay kula eertaan naftooda,

Waxaana hooyada iyo dhalaanka dhimashada qarka ujoogsadey ay noqdeen kuwo la hagradey oo dhawaaqooda gudida abaaruhu indhaha iyo dhegaha ka fureysteen oo ka dhursugaya raxmaadka alle  ka dib markii ay ka rajo dhigeen gudidii igmanayaasha u ahaa ay madhaleys noqdeen,

fiintan dhex miranaysa hogaanka gudida abaaraha ayaa ah mid aan wali la dhamayn oo jooghoose ku socota.abaraha asalka

XIGASHO”WARGEYSKA SAHAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here