Wasiir Sacad Oo Bilaabay Kulamo Lagaga Soo Horjeedo Heshiiskii Saldhiga Berbera Iyo Xaalkiisa Oo Galay Xaydha Jecli Beerka Jecli

0
442

” Adeer Ninkan Sacad La Yidhaahdaa Horta Maynan Aqoon Maarkii Hore Ee Siilaanyaa Ina Baray Oo Dadka iyo Dalka baray NGO Buu Ka Shaqaysan Jiray Oo Shaqooyinkan Uu Hadda Hayoba Nin Garanaya Maaha” Odey Xasan Aadan Ismaaciil 

.” Wasiir Sacad Waxaa Weeye Nin Wasiir ah Oo Wasiir Qaran ah Laakiin Wasiirnimadiisii Waxay Soo Dhaafiweydey Beeshiisii iyo Berbera Waxaana Muuqata in Aanuu Wali Noqon Wasiir koray Oo Qaan-Gaadhsiiyaasiya ah” Nuur Muxumed Salaan

Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire ayaa galay xaalad sallow ah kadib markii uu diidmo aan muuqan kaga falceliyey heshiisyadii xukuumadda la gashay dalka imaaraadka taas oo ka dhigtay xaydha jecli beerka jecli waxaana siyaasada wasiirku gashay waji aan muuqan oo ka soo horjeeda siyaasada xukuumadii uu salaanka siyaasada ka soo fuulay,

waxaana wasiir sacad ku dhiiran kari la yahay inuu ka tago siyaasadii uu diiday taas oo fasirtay danta uu ku qabo kursiga arrimaha dibadda waxaana soo baxaya warar sheegaya in wasiir sacad ka siiban doono salaanka xukuumadii uu abaalkeeda ilduufay. Waxaana siyaasada jaban ee wasiir sacad aragtiyo kala duwan ka bixiyey shacabka Somaliland odey xasan aadan ismaaciil oo ka mid ah odayaasha waayo araga ah ee dalka waxana uu dhaliilay habka wasiirku  ugu dhegan yahay kursiga haddana dhaliilayo siyaasadii xukuumadii jaro bartay waxaanu yidhi.” Adeer ninkan sacad la yidhaahdaa horta maynan aqoon maarkii hore ee siilaanyaa ina baray oo dadka dalka baray NGO buu ka shaqaysan jiray oo shaqooyinkan uu hadda hayoba nin garanaya maaha  madaxweyne siilaanyaa darajadaa maanta gaadhsiiyey ee arrimaha dibada iyo qorshaynta markaa ninkan waxay ahayd mar haddii uu saluugay siyaasadii xukuumada inuu iskaga tago oo uu ka badheedho damaciisa laabta ugu jira waa ku ceeb inuu kursiga isku dhajiyo oo waxaa muuqata dan uu kursiga ku qabo”

sidoo kale waxaa isna aragti taa la mid ah bixiyey odey nuur muxumed salaan isagaoona badka keenay qorshaha wasiir sacad ee  saluuga labada midab ah wuxuna yidhi.” Wasiir sacad waxaa weeye nin wasiir ah oo wasiir qaran ah laakiin wasiirnimadiisii waxay soo dhaafiweydey beeshiisii iyo berbera waxaana muuqata in aan wali noqon wasiir koray oo qaan-gaadhsiiyaasiya ah heshiisyada saldhiga iyo DP World qarankay dan u yihiin oo reer berbera ayey dan u yihiin oo waa laga faa,idayaa oo shaqaale badan baa laga helayaa suuqgayn ictiraaf bay inoo tahay oo waxaa diiradda inagu haya oo intaa inaga faaloonaya dunidii in markii uu ku fashilmay siyaasadii arrimaha dibada oo ina iibgayn kariwaayey uu diidmo kala hor yimaado taa waxaan uqaan liidasho waxaanan lee yahay sacadow abaalkii siilaanyo kugu sooray maad gudin ee xukuumadda ama iskaga tag ama siyaasadeeda kula jaanqaad awalba waad la socotay laakiin tani waxayna tusaysaa inaad ardaagaga u hadlayso ee wasiir qaran baad tahay ee soo dhaaf berbera”

dhawaaqa kala duwan ee ka soo yeedhay odayaashan ayaa umuuqda mid diirada saaray siyaasada jan-jeedha ee wasiir sacad madaxa la galay dhanka kale waxaa la wariyey in wasiir sacad kulamo curdan-dhadhiyey kalsoonidii qasiriga la qaatay xubno ka mid ah ardaagiisa kulamadaas oo lagu nashqadeeyey mooro lagu dhaqaajinayo kacdoon lagaga soo horjeedo heshiisyadii xukuumadu la gashay dalka imaaraadka carabta taas oo sawiro lidi ku ah heshiisyadaas lagu tusayo beesha uu abtirsiin ahaan uu ka soo jeedo.Dr.-Sacad-Cali-Shire-310x196

XIGASHO”WARGEYSKA SAHAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here