Madaxweyne Ku Xigeenka Iyo Wasiiro Jaanta Kala Hadhay Xukuumadda Oo Bari U Baxaya Imaaraadka Iyo Qorshaha Socdaalkooda Aan La Shaacin

0
514

Wasiiro Jabaqda Luuqdoodu Hoosaysay Oo Diyaarada Dubai U Xadhko Xidhay

Ilo xogagala oo wargeyska SAHAN  helayo ayaa tibaaxaya in maalinta bari ah dalka ka bixi doonaan wafti uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka Somaliland kuwaas oo  kala ah wasiirka arrimaha dibada, wasiirka gaashaandhiga,wasiirka duulista iyo hawada waxaana warar kala duwan kasoo baxayaan socdaalka waftigan dabamartaysay madaxweynaha ayaa ku siijeeda dalka imaaraadka carabta iyagoona socdaalkooda la,la xidhiidhinayo inay daba socoto heshiisyadii kala duwanaa ee xukuumaddu la gashay dalka imaaraadka carabta waxaana xoguhu tibaaxayaan in waftigani kulamo fool ka foola la yeelan doonan madaxda sar sare ee imaaraadka,

socdaalka waftigan ayaa meesha ka saareysa diidmo guracan oo la wariyey in jabaqdoodu hooseyso oo wasiirada arrimaha dibada iyo gaashaan dhigu saluugsanaayeen heshiiyada xukuumadu gashay kuwaas oo jawaabo gab-gaaban ka bixinayey weydiinta ku aadan mashruucyadan xukuumadu heensaysay taa badelkeedana ay noqotay socdaalka ay weftigani dalka kaga baxayaan maadaama shaki ku jiray in la fasiro damacooda diidmada keenay.

Heshiiyadaas oo ah kuwo dalka ka iibgeeyey seyladaha caalamka maadaama oo diirada beesha caalamku haysey horumarka ka tisqaadey Somaliland iyo waxyaabaha ay ku soo kordhin karaan heshiisyadan heerka caalami ah ee xukuumada Somaliland dalkeeda usoo jaandhigtay maadaama oo ay ku lamaantahay in adeegyada dhanka wax barashada , caafimaadka , wadooyinka iyo saanado milatari oo ciidamada qaranku helaan udhali karto heshiiyadani,

Taas oo kordhisay in dalal kale isasoo tubaan sayladaha iibdoonka ee daneynaya in ay maalgashi ku sameeyaan dalka taas oo noqotay talaabo dhanka horumarka ah oo la qaadey maadaama ay cadowga Somaliland ka didsan yihiin.

 Tan iyo intii heshiiyada xukuumadda ee dalka imaaraadka carabtu dalka keentay waxaa soo ifbaxayey xubno mucaarad iyo muxaafidba leh oo wajiyo kale ufasiraya in heshiisyadanu ahayn qaarsax ah iyagoo dhegaha shacabka tashuush ku furaya si aaney urumaysan faa,idada heshiisyadani uleeyihiin bulshada balse waxaa cadaatay in taageero buuxda ay siiyeen cadowga somliland ee inkiray horumarka dalka usoo kordhay.madaxweynekuxigenka

XIGASHO”WARGEYSKA SAHAN

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here