Somaliya Oo Hargeysa Lacag Ku Soo Dhex deysay, Dhalinyaro Safiiro Laga Dhiganayo Oo Gobolada Laga Qorayo Iyo Mooganaanta Xukuumadda

0
516

calankaaaaaaaaaaaaasomalilandCadaawadda Maamulka Cusub Ee Somaliya Oo Soo Ifbaxay Dabino Qarsoon Oo Qaranka Loo Maleegayo Iyo Sumad Mid lagaga Dhigayo Federaalka Oo Si Xeeladeysan Qorshihiisa loo waddo

Tan iyo intii maamulka muqdisho doortay madaxweyne farmaajo waxaa Somaliland ku furmay dagaal hoose oo lagu wax yeelaynayo qaranimada Somaliland kuwaas oo maamulka cusub ee  farmaajo bilaabay xeelado uu ku kala qaybinayo shacabka Somaliland isagoona umaraya dariiqyo kala duwan,

wuxuuna xooga saarayaa sidii midnimo doonku uga dhex muuqan lahaa gudaha Somaliland gaar ahaana gobolada iyo degmooyinka dalka taas oo lagu bixinayo qoqobkooda lacag aad u badan oo muqdisho laga soo waaridey iyo xilal doondeysan oo lagu taxayo tiro dhalin yaro ah oo la khaldey kuwaas oo laga ka xaynayo gobolada dalka iyagoona la nashqadeeyey shax ay kaga dhex muuqanayaan xukuumada farmaajo. Qoondada dhalinyarada ayaa waxaa ka mid ah inay noqdaan safiiro dalal, Agaasimayaal Guud iyo xoghayno masuuliyiinta xukuumadda la soo dhisayo.

Sidoo kale waxaa xeeladaha loo adeegsanayo in dhaawac loo geysto jiritaanka Somaliland loo adeegsanayaa siyaasiyiin banfadhiya iyo kuwo xisbiyada mucaaradka Somaliland ka tirsan kuwaas oo lacag badan lagu siinayo inay isku xidhmaan xadhko muqdisho ilaa hargeysa taxan iyagoona loogu bushaareeyey aduun badan oo sabab unoqdey inay udhego nuglaadaan dhawaaqa cadowga Somaliland.

Dhanka kale waxaa si cad usoo ifbaxay cadaawada Somaliland tan iyo markii heshiiska saldhiga berbera yimi kaas oo labada gole qaran ee wakiilada iyo guurtidu ansixiyeen heshiiska dalka imaaraadka lagaga kireynayo  madaarka  berbera wuxuuna sabab unoqdey in cadow badan ka naxaan horumarka Somaliland usoo kordhay kaas oo ay dacaayado badheedh ah iyo dabino ay kaga xun yihiin in imaaraadku saldhig berbera ku yeesho bilaabay waxaana dhawaaqyo diidma ahi oo sawir xun lagu sawirayo muhiimada uu lee yahay heshiiska saldhiga berbera ka soo yeedhay farmaajaha somaliya iyo geelaha jabtuuti kuwaas oo geed dheer iyo mid gaabanba ufuulay sidii ay uwiiqi lahaayeen saldhigaa.

Dabinada ay dhigayaan labadan madaxweyne ayaa waxaa ka mid ah adeegsiga xubno Somaliland udhakhay oo damiirkooda la iibsadey si ay uga soo horjeestaan horumarka usoo kordhay. Halka ilo looga qaateenina sheegayaan in dawladaha jabuuti iyo somaliya ay xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI kala xaajoodeen inanu ogalaan in imaaraadku saldhig ku yeesho magaalada berbera taas badelkeeda ay siiyaan lacag xadigeedu badan yahay taas oo u sahli karta inay doorashada ku guuleystaan,

dhawaaqa xisbiga WADDANI ee diidmada saldhiga iyo abaabulka mudaharaado shacbiga lagu dhiiri galinayo inay ka soo horjeestaan ayaa mataaneeyey qorshaha muqdisho iyo jabuuti waxaana mudaharaadkii dhicisoobay ee magaalada londan ka dhacayey ka qayb ahaa dad udhashay dalalka somaliya iyo jabtuuti kuwaas oo muuqaalkooda iyo codkoodaba Cameradu qabaneysay waana mid muujisay in ay ka dambeeyaan muqdisho iyo jabuuti.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here