Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo 23-kii bishan uu soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo ayaa maanta hortegay baarlamaanka, waxayna cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen iyagoo sacab ku soo dhoweeyay.
Ansixintii kadib ayaa isla goobta waxaa ku dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka Ibrahim Iidle Suleyman oo ku dhaariyay sida dastuurka qabo kitaabka qur’aanka kariimka iyo danta, dalka iyo dadka Soomaaliyed.