Cabdiraxmaan Cirro Musuul Qawleh Intaan Ka Bartay Iyo Odhaahdeyda,Suxufi Axmed Heelo

0
621

Muhiim Maaha inaad Fekerka iyo Siyaasada iskaga mid Noqotaan balse Waxa muhiima Dabeecada,Dadnimada iyo Qadarinta…Sahan Staff

“Waxaan Ahaa Weriyihii u Horeeyay ee Waraysi Cabdiraxmaan Cirro ka Qaaday Markii u Horaysay ee uu Dalka Yimi Wuxuu ii sheegay…Sahan Staff

Hargeysa (QoryaaleNewsheelo) 23,Feb 2017….Waxay ahayd Dabayaaqadii 1998dii markii u horaysay ee aan magaciisa maqlo aragtidiisana arko Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Wuxuu la socday Wefti balaadhan oo uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Injineer Faysal Cali Waraabe Waxa kale oo weftigooda ka mid ahaa Siddeed Xubnood oo Haween reer Finland ah (FINISH) oo u badnaa saraakiil hay’adaha Samafalka Dalkaasi ka shaqeeya oo hay”adihii Xilligaa ay keeneen ilaamaanta Shaqaynayaan oo dalka Joogaan.Cabdiraxmaan cirro wuxuu ahaa nin Dhisan Jidh ahaan iyo Maskax ahaanba Quruxda iyo Qaabka lebiskiisuna aad u sareeyo Wuxuu Xidhnaa Surwaal Jiinis ah oo Kaaki ah,Shaadh Buluug Saafiya iyo Jaakeet Jeebado badan oo kuwa Suxufiyiintu inta Badan Xidhaan ahKabo Buudh Maas Degen ah,Waxaanu u Boqoolay Maalin Axada Gobolada Bari annagoo Safarkayaga ka bilownay Berbera Waxaa Maayar ka ahaa Si Fiicana noo Soo Dhaweeyay Cabdalle Xaaji Cali Axmed iyadoo Hawlihii Weftigu uSocdeen si Balaadhan looga Wada hadlay Weftiga ka socday Dalka Finland ee Haweenka u badnaa Gudoomiye Cirro iyo Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Waxa Hargeysa kaga Biiray oo wehelinayey Xubno Dhalinyaradii Uffo ah oo markaa Samaystay Hay’ad la odhan jiray SORRA Xubnahaa waxa ka mid ahaa Axmed Muxumed Madar,Maxamed Baaruud Cali,Maxamuud Maxamed Cumar Xaashi,Xuseen Barbaraawi iyo Ingineer Yuusuf Geydh Dhamaan Waxaanu soo maray Magaalooyinka Waaweyn ee Dalka Gaar ahaan Dawladaha Hoose, Magaalada Burco Waxa maayar ka ahaa Maxamed Xuseen Aadan Ceerigaabo Yaasiin Mire Maxamed Boorama Ciise Unicef Waxaa Safarkaasi ku Soo dhamaaday Guul kyo Gobanimo Midhihiisiina 19 Sanno ka dib maanta ayaa la guranayaa.

Taariikhdaa Dheer Waxaan dib ugu Noqday Shakhsiyada Dadnimada iyo Dabeecada Gudoomiye Cirro intaan ka aqaan iyo Xilligaanu is baranay inaan sharaxaad ka bixiyo Maalintaa Waxaan ka qaaday waraysi dheer anigoo ahaa weriyihii Hargeysa ku soo dhaweeyay Soomaalidu waxay tidhaahdaa Jid Ma Wada Marteen,Jidiin Ma wada Cunteen Jabadse Ma wada Seexateen Waxaan Xusuustaa Habeenkii aannu Burco u Hoyanay Huteel Gabay Xaddi ayaanu degnay oo markaa ahaa huteelka burco ugu Horeeya Wuxuu gudoomiyuhu Xilligii Cashada iiga Waramay Somaliland iyo Horumarka ay Doonayso Sida lagu Gadhi Karo,Sannadkii 2005tii mar kale ayaan laba waraysi midna berbera kaga qaaday mdna Hargysa Waa Ogos 5teedii iyo ogos 12keedii waxa bilaabmay Ololihii Musharixiintii Golaha wakiiladda Somaliland Gudoomiyuhuna wuxuu ka sharaxnaa Gobolka Saaxil,Maqaalkan waxaan qallinka ugu qaatay in aan Cadeeyo isla markaana hoosta ka xariiqo Qofka uu yahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro Waa Nin Balan leh Qawleh Ixtiraam badan wuxuu kugula balamo oofiya isla markaana Nooc kasta oo Bulshada ka mida isku daya inuu Ixtiraamo dhegeystana rayigiisa.

Muhiim Maaha Qofka inaad Fekerka iyo Siyaasada iskaga Mid Noqotaan balse Waxaa muhiim ah Dhaqanka, Dadimada, Akhlaaqda iyo Ixtiraamka inaad Wadaagtaan Qofkuna intuu Bulshada iyo Dadka uu ku dhex Noolyahay Qadariyo,Ixtiraamo, Karaameeyo,Isu soo taago ayay Qofnimadiisu Taam tahay laakiin haddii uu Socodka kugula hadlo waa qof Madhan

Waxaan Qirayaa in Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro Yahay Hogaamiye Daacada isla markaana Xitaa Hadduu Cadaawad iyo Gef kaa tirsanayo aan ku Tusayn Xumaan jecelna inuu Si Diblamaasiyadi ku Jirto Wax kuugu Sheego,Waana Sifaha Hogaamiyaha Suuban arrimahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here