Wasiirka warfaafinta Somaliland Oo Maanta Guuto Ciidan Ah Ku Dalbaday Wariye Maxamed Aadan dirir Iyo Xabsigana Dhigay &Cadaani Oo Bilaabay In Suxufigii Ka Hadla wariye Coldoon Weerar La Beegsanaaya

0
418

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ee Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Cadaani), ayaa maanta ciidamo boolis ah ku dalbaday Wariye Maxamed Aadan Dirir, isla markaana qaar ka mid ah askarta ilaalada Wasiirka oo u muuqday qaar bartilmaamaysanayey Wariyeyaal gaar ah oo lagu balamiyey oo uu ka mid ahaa Maxamed Aadan Dirir ayaa gacan iyo qori dabadii iyo budhadh dhinacyada kala galay Suxufi Maxamed Aadar Dirir.

Wariyaha Maxamed Aadan Dirir iyo Suxufiyiin kale oo tiro badan oo maanta ka qayb-galay munaasibad xisbiga Kulmiye ku soo dhaweynayey garabkii toosinta ee xisbiga Waddani oo ku biiray xisbi-xaakimka Kulmiye oo ka dhacday huteelka Maansoor, ayaa Wasiir Cismaan Caddaani oo markii munaasibadii soo dhamaatay ee laga soo dareeray, ayaa barxada dhexdeeda ee dibadda Huteelka oo uu damcay innuu kaga hadlo xadhiga Wariye Coldoon, ayaa hanjbaad iyo cago jugle ka baxsan anshaxa qof huwan xil masuuliyadeed ee ummadda Reer Somaliland ayaa cayey dhamaan  Suxufiyiinta ka hawl-gasha gudaha dalka Somaliland oo uu ku tilmaamay qaar dalka lagu soo habaaray.

Wasiirka Warfaafinta Caddaani oo markii uu hadalkii Warbaahinta siinayey dhameeyay, ayaa Wariye Cabdifataax Ismaaciil caarshe oo damcay innuu su’aal weydiiyo ku saabsan sababta iyo dambiga loo xidhay Wariye  Cabdi Maalig Coldoon, ayaa ka gubtay, kana cadhooday Su’aalihii suxufiyiintu weydiinaysay, Balse, Wasiir Caddaani ayaa kaga jawaabay dagaal gacan ka hadal, cay iyo ciidamo boolis ah oo tiro badnaa oo ku sugnaa xaflada ayuu ku dalbay Wariyeyaashii goobta ku sugnaa, halkaas oo dabada u qabteen qori dabadii iyo feedh iyo budh ay siteen ciidamada Booliska ah.

Askarta Ilaalada Askarta Ciidamada booliska ah ee Wasiirka Warfaafinta Cadaani, ayaa kamaradii iyo qalabkii ka qaaday Wariye Maxamed Aadan Dirir iyo Cabdifataax Ismaaciil caarshe, isla markaana Wariye maxamed Aadan dirir oo lagu qaatay gaadhi gaar ah, ayey ku qaateen Wasiir Caddaani iyo ilaaladiisa oo wadatay guuto ciidan boolis ah oo aon la garanayn sababihii goobta loo keenay. Warku wuxuu intaa ku darayaa in Wariyaha Aadan dirir ciidamada boolisku la dhacayeen intay isugu tageen qori dabadii iyo budh oo meel wal-ba kala dhacayeen, lana garanayn waxa soo gaadhay iyadoo Wariyaha lagu xidhay Saldhig-yar ooka baxsan magaalada oo xaafadaha koonaha magaalada hargeysa ah ee Ibraahin Koodbuur.

Qoryaalenews2@gmail.comcaddd

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here