Wasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland Oo Ka Hadley Xaalada Dalka, Xukumada Somaliland-na Ku Canaantay Iney Hagratay Gobolada Bari, Dhaliileyna Qaabka Isku Shaandheynta Madaxweyne Silaanyo

0
516

bashe biyahaWasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland Ayaa Ka Hadley Xaalada Uu Dalka Uu Maraayo, Waxaanu Sidoo Xukumada Madaxweyne Silaanyo Ku Canaantay Iney Hagratay Gobolada Bari Ee Somaliland

Xuseen Axmed Cabdule Oo Igu Horeyn Ka Hadlaaya Xaalada Dalka Ayaa Hadalkiisa Ku Bilaabey”Dalka Xaalado Badanbaa Ka Jira Ta Ugu Horeysa Waa Abaaraha Oo Dadkii Wada Sintay Ilaahey Wax Ka Baryayaa Abaartaa Iyada Ah Inuu Inaga Dulqaado Inuu Roob Raxmad Leh Oo Dadka Iyo Dalkaba Aan Wax Yeelin, Xaalada Maanta Wajigeedu Ma Fiicna Waydaan Aragtaan Wixii Dhacay Dadku Way Arkeen Wixii Ka Dhacay Baarlamaanka”Ayuu Yidhi Xuseen Axmed Cabdile Wasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland

Xuseen Axmed Cabdile Waxaa Uu Sidoo Kale Ku Dhaliiley Xukumada Iney Hagratay Gobolada Bari Ee Somaliland Oo Sida Uu Sheegay Dibu Dhac Xoogan Ka Muuqdo”Gobolada Barigu Had Iyo Jeer Intii Somaliland Jirtay Way Ka Danbeeyeen Gobolka Kale, Waxa Ay Helaana Waa Wax Yar Oo Faro Ku Tirisa, Anigu Mudo Laba Iyo Labaatan Bilood Ah Ayaan Wasiir Ahaa Wasaarada Biyaha Ayaan Joogay Wixii Loo Qaban Karaayay Intii Aan Joogey Waa Loo Qabtay Imika Qudheedu Wax Waa  Socdaan Haseyeeshee Meel Hore Loo Dayacay Oo Baahi Wayn Ka Jirto Ayay Goboladii Barigu Yihiin Markaa Waxan Dawlada Ku Odhan Lahaa Waxaa La Gaadhey Xiligii Gobolada Bariga Loo Gurman Lahaa”Ayuu Yidhi Wasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland

Xuseen Axmed Cabdile Waxaa Uu Sidoo Kale Carabka Ku Dhuftay Xilka Qaadista Inta Badan Madaxweyen Silaanyo Ku Sameeyo Golihiisa Wasiirada, Isagoo Si Adag Udhaliiley Qaabka Xilka Qaadistu Udhacdo”Anigu Markii Aan Wasiirka Ahaa Golaha (Wasiiradu) Waxay Ahaayeen Lix Iyo Afartan Maantana Waxaa Lagu Leeyahey Ilaa Todobaatan Waa Jiraan Marba Isku Shaandheyn Ayaa Soo Baxda Waxaana Loogu Tala Galay Waxay Aheyd Inuu Wax Badalo Isku Shaandheyntaa Had Iyo Jeer Waxaa Seeftu Ku Dhacdaa Wasiirada Kasoo Jeeda Daafaha Somaliland Oo Markii Hore Ee Wasiirada Ay Ahaayeen Aan Hayn Xilal Waa Wayn, Waxaa Kale Oo Nasiib Daro Ah Isku Shaandheyn Kasta Oo Dhacda Waxaa Ku Jira Laba Ama Saddex Wasiir Oo Kasoo Jeeda Daafaa Somaliland, Waxaa Intaa Isuu Raacda Marka Wasiirka Banaanka La Dhigo Maalintaasaa Xadhiga Loo Goyaa”Ayuu Yidhi Xuseen Axmed Cabdile Wasiirkii Hore Ee Biyaha Somaliland.bashe biyaha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here