Hargeysa(QYN) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxaamuud Siilaanyo ayaa maanta la filayaa inuu hortaaho Labada Gole Barlamaan ee Guurtida iyo wakiilada waxaanu kulankaasi Noqonayaa mid Xildhibaanada labada gole warbixin lagaaga siinaayo Hindisaha xukuumadda ee saldhiga Milatari ee dawlada imaraadku ka dhisan doonto Magaalo xebeedka berbera.
Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa xooga saraaya sidii uu Labada Gole ugu qancin Lahaa inay saxeexan islamarkaana Ogolaadaan in dawlada Imaraadku saldhig ka samaaysto magaalada berbera waxaanu madaxweynuhu halkaas ka sharaxi doono Muhiimada ay qarranka uleedahay Hirgelinta saldhigaas, iyo daliilada cad cad ee Hayaa Muhiimada qarrankan uleeyahay Saldhiga Imaraadku.
Shacabka Somaliland ayaa Indhaha ku Hayaa Xildhibaanada Labad Gole ee Wakiilada iyo Guurtidda Somaliland waxaanay Sugayaan Go,aanka rasmiga ee ay ka gadhaan Hirgelinta Saldhiga Milatari xilli shacabka Somaliland waalwaal badan ka qabaan saldhiga milatari ee Imaraadku ka Hirgeli doono imaraadka, waxaana Kalfadhigaan labada Gole ayaa xiise weyn Uu leeyahay shacabka Somaliland,waxaana Xukuumadda Somaliland iyo ciidanka Nabadgelyadu heegan ku galeen Mudahaaradyo ay ku baaqeen Xisbiga Mucaaridka oo lagaa cabsi qabo in dalka Gilgilaan Maanta
Xigasho :Wargeyska Sahan