Xassan Sheekh Maxamuud Madaxweynihii hore ee dalka Somaliya ayaa waxaa
uu maanta xarunta madaxtooyada si meeqam sare ah ugu soo dhaweeyey isla markaana uu ku qaabilay madaxweynaha cusub ee dhawaan dalkaasi in u hogaamiyo loo doortey Maxamed Cabdilaahi Farmaajo
Waxaana ay wada qaateen kulan albaabada u xidh naa, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn waxyaabaha ay ka wada hadleen.
Intaas kaddib ayaa Madaxweyne Farmaajo ayaa indha indheeyay qeybaha kala duwan ee dhismaha Madaxtooyada iyo xafiisyada ay ka kooban tahay ee ay ku shaqeeyaan shaqaalaha Madaxtooyada oo uu dhawaan maamulkeeda si rasmi ah ula wareegi doono maamulkeeda
Sidoo kale waxaa iyaduna xusid muddan in markii uu Farmaajo imanaayey madaxtooyada aan loo xidhin wax wadooyin ah oo ay wadooyinku si caadi ah iskaga furnaayeen