“Haddaan Suldaan Nadiif ahey geeri ayaan ka xigaa shantaa mitir ee carruurta yar-yar ee agoonta ah laga biiliyo ciddii Isku Dayda Inay ka xoogan.”

0
507

s ladif

“Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Waxaan Ugu Baaqayaa innaad na kala badbaadisaan ciidamadda booliska iyo Anaga,..”Madaxda Dhaqanka Beelaha Gabooye

Hargeysa, (Warbaahinta Somaliland)-Madaxda dhaqanka ee Beelaha laga tiro badan yahay ee reer Somaliland, ayaa sheegay in arrin naxdin, uur-xumo iyo cadho ku abuurtay bulshaddooda ay kula kacday xukuumadda Axmed Siilaanyo.

Suldaanka Beelaha Gabooye eek u dhaqan dalka Somaliland Suldaan Nadiif Saydh Jibriil, ayaa sheegay in xukuumadda Axmed Siilaanyo u abaal gudin halgankii dheeraa ee uu la soo galay xilligii dawladdii kali-taliska aheyd ee Maxamed Siyaad Barre  oo uu ka mid ahaa ururkii SNM ee keenay dib-u-la soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland.“Anigoo ah Suldaan Nadiif oo ka mid ah madax-dhaqmeedka ka soo jeeda Somalilad.Halgan adag iyo jab ayaan u soo galay dib-u-la soo noqoshadii gooni isu-taaga Somaliland oo SNM ayaan ka tirsanaa. Naf iyo maal ayaan u huray dib u xorayntii dalka Somaliland. Maantana wax dib-u-dajin ah oo lay sameeyay ama aan ku hayaa Somaliland ma jirto. Markii Suldaanka ma ma jirto dhxul uu qabsadayna ma jiro. Markii laga tuuray taliskii siyaad BARRE ee dalka la soo galay dhulkii qaranku lahaa nin walba meel ayuu qabsaday, markaa wax guri ah oo aan ku leeyahay dalkaa dhan ee Somaliland aan u soo halgamay ma jirto”Sidaa ayuu yidhi Suldaan Nadiif oo warbaahinta ugu waramayey maanta magaalada Hargeysa 

Suldaanku wuxuu intaa ku daray oo uu yidhi,“Maayarkii Degmadda Burco ee Gobolka Togdheer Maxamed Xuseen ayaa I siiyey dhul shan mitir ah oo ha’ayad samafal ah oo dhisaysay 12 Xamaam ayuu suuli ka mid ah I siiyey, aniga, markaa ha’yaddana aniga ayaa u keenay dabaeed Maayarkii wakhtigaa ee Burco ayaa aniga  hal suuli oo ka mid ah ahaa laba iyo toban xamaam oo dad dan yar ahaa loogu deeqay ayuu I siiyey. Markaa nin dan yar ah oo innan iga qaba ayaan u dhiibay oo aan ku idhi carruurta biilka uga soo saar madaama aanu hayn wax shaqo ah. Ninkii wuu dhintay wuxuuna ka tagay todoba carruura oo yar-yar oo biyo ah, markaa xamaamkii (suuligii), oo gabadhii biilka uga soo saaraysay ee ay haysatay ee lagu biilinayey ubbadkaa agoonta ah, ayaa lagu yidhi ka bax waanu duminaynaa oo xukuumadda ayaa doonaysa inay iibiso. Haddaan Suldaan Nadiif ahey shantaa mitir oo kaliya ayaan ku leeyahay Somaliland oo dhan, markaa geeri ayaan ka xigaa shantaa mitir ee carruurta yar-yar ee akoonta ah laga biiliyo ciddii iigu timaada ee iibisa. Madaxda Somaliland waxaan leeyahay shantaa mitir ayaad ii quudhi waydeen ee ma wax ka badan ayaad I siin laheydeen oo kale.”

Suldaan Nadiif oo fariin u diray Wasiiradda xukuumadda Somaliland waxaanuu yidhi,“Wasiirka madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka hawlaha guud iyo guryeynta Cali Mareexaan, Wasiirka arrimaha gudaha Faratoon, Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan Waxaan idinka codsanayaa innaad na kala badbaadisaan booliska iyo anaga oo aad wax ka qabataan arrintaa halka suuli ah ee carruurta agoonta lagu biiliyo ee maanta wax kale haysan.”

Xaafiska Qoryaale Hargeysa

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here