Xildhibaanada Guurtida Oo Usacaba Tumaya Muddo Kordhin Kaabiga Saaran Iyo kulan Gabalku Isugu Dhacay Oo Seexanwaa Ku Ridey Murashaxiinta

0
538

Damaca Mudanayaasha Guurtida Oo Laf-Dhuungashay Ku Noqdey Hanmaaganayaasha Xisbiyada

Dhawaaqa Muddo Kordhinta, Cabsiyada Xisbiyada Iyo Sawaxankii Gil-Gilay Golihii Qorshuhu Yiil

Xildhibaanada Golaha Guurtida Oo iskaga Dab-qaadaya Madaxtooyada iyo Guriga Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud aadan ayaa wadda qorshe ay ku doonayaan muddo kordhin lagu sameeyo doorashada madaxtooyada , kulamadaas oo ay wadaan xildhibaano golaha guurtida ka tirsan ayaa shirar doceedyo gabalku isugu dhacay kaga arinsadey qorshaha ugu dhow ee muddo kordhin dheeriya oo ka soo horjeeda soo jeedintii xisbiyada ugu sacabo tumay waxaaney diiradda saareen sidii ay u sababeyn lahaayeen mudada quluubtooda ka dhex guuxaysa taas oo ay ugu awood sheeganayaan mudadii saddexda xisbi isla naaqisheen in doorasho dalka ka dhacdo. xildhibaanada maagan damaca muddo kordhinta ayaa ah kuwo iyaguna quudaya in mudada ay kursiga fadhiyaan ay kororsiimo ku samaystaan si ay usii joogaan hoyga golaha guurtida xildhibaanada ayaa iygu ku macneeyey qorshihii murashaxiinta xisbiyada iyo komishanka inuu ahaa mid ay dantood guureen balse aan iyaga wax macno ah usamaynayn taa badelkeedana ay ka dhigtaan dantooda iyo kursigooda oo kordha waxaana damaca xildhibaanada guurtidu dood iyo sawaxan isbarkan ka dhex dhaliyey mudanayaasha golaha guurtida guuxa muddo kordhin -doonka ayaa gil-gilay madashii ay kaga arrinsanayeen in la kordhiyo sanad iyo lixbilood halka xildhibaanada qaarna qabeen aragti taa ka duwan oo ah sanad iyo sideed bilood iyagoona ku dooday inay leeyihiin awooda muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha si bay yidhaahdeen iyana cimriga xilkoodu ugu dheeraado imikana aaney diyaar u ahayn inay kursiga baneeyaan dood dheer ka dib oo laysugu gabal dhacsadey ayaa guddoomiyaha guurtida saleebaan maxamuud aadan ka dalbadey xildhibaanada inay joojiyaan sawaxanka isla markaana jawiga bedalaan isagoona mudanayaasha ka codsadey in loo balamo maalin kale maadaama ay utaalo hawl culus oo loo baahan yahay in laga arrinsaddo taas oo ah codsiga madaxweynaha iyo sidii looga doodi lahaa suurta galnimada saldhiga imaaraadku ka dalbadey xukuumada waxaanuu xildhibaanada ugu baaqay in kulan dambe ay isugu yimaadaan lana adkeeyo ajandaha dhex maray iyo qorshaha lagu heshiiyey. ilo looga qaateena ayaa iyana dhankooda tibaaxa in ay jiraan gacmo kale oo kulamaan muddo kordhinta waxaaney noqotay qorshe laf-dhuun gashay ku noqotay murashaxiinta xisbiyada iyagoona seexanwaa ku ridey damaca xildhibaanada guurtidu.

Xigasho/Wargeyska Sahan

qoryaalenews2@gmail.comguurtida-sl(3).jpg

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here