Waxaa lasoo gabo-gabeeyay wareeggii koowaad ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee ka socota magaalada Muqdisho, waxaana isugu soo haray afar musharrax oo tun waaweyn.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeeyay dhabka cododka, waxaana uu helay leh 90 cod, waxaa ku soo xiga Maxamed C/llaahi Farmaajo oo isna 71 cod, Shariif Sheekh Axmed ayaa isna helay 49 cod, halka Cumar C/rashiid uu helay 36 cod kana hadhay wareegi labaad marku ku dhawaaqay inu tanasulay.
Wareegga labaad ee doorashada ayaa iminka bilaabmeysa.
Doorashadan maanta oo xiiso gaar ah leh ayaa waxay u muuqataa mid la isku gabbal dhacsanayo iyadoona xilliga Muqdisho ay saacaddu sii cago-cageyneyso shantii galabnimo.