Masuul Xisbiga WADDANI Ka Tirsan Oo Xasan Sheekh Ugu Qayshadey Inuu U Saxeexo Heshiiska Saldhiga Berbera

0
512

Hargeysa(Sahan) Janaraal Maxamed Xasan Jidhif Taliyihii Hore ciidaamada qaranka Somaliland kana mida odayaasha kasoo jeeda Gobolka Saaxiil ayaa ka Hadley Dareenkiisa qorshaha xukuumadda Somaliland ee dhismaha saldhiga milatari ee dawlada imaaraadku ka hirgelin doono magaalada Berbera, wuxuuna meesha ka saraay surtogalniimada lagu bixin doono Saldhiga Milatari ee Imaraadka wuxuuna ku tilmaamay goobaha ugu xasaasiin Guud ahaan berriga Afrika, Jenaraal Maxamed Xasan Jidhif waxaa kamid hadaladiisi sidan ‘’ Hub waxaa a qayb ka yihiin dagaalad ka socda wadanka aynu jaarka nahay dalka Yemen oo aad usii xoogeysanayaa waxaad la socotaan in dhawaan Sawaariiq lagu riday markaabu uu leeyahay dalka, Sucuudigu waxaad la socotaan in sidoo kale Sawaariiq lagu riday markaabu leeyahay dalka Imaaraadku, marka halkan berbera waa meelaha ugu istarajiisan ee la Isticmaalo marka lagaa hadlaayo dalalka Geeska Afrika marka wax dhayaal ku bixi karaa ma Jirro waxaa jira waxaa la Yidhaa Tuugo ‘’

Dhanka kale Jenaraal Maxamed Xasan Jidhif waxaa Madaxweynaha xiiliguso dhamaaday ka Codsaday inuu Saxeexo heshiiska saldhiga milatari, madaama Aanay Somaliland ahayn dalk haystaa aqoonsi buuxa ‘’ hadaba waxaan leenahay Xasan sheekhoow adiga Ah dal la Aqoonsanyahee kalaay noo saxeex heshiiska saldhiga milatari oo anaga heshiis noola gal dalka Imaraadka, anagaana wax la yidhaahda heshiis yar oo isfahana aanu Somaliland ka saxeexano ‘’ ayuu Yidhi Jenaraal Maxamed Xasan Jidhif.

Si kastaaba ha ahaate xukuumadda Somaliland ay wadaa qorshe lagu xalaalaynaayo Saldhiga Milatari ee dawlada imaraadku ka dhisan doonto magaalada berbera waxaana dhawaan loo gudbin doona golaha sharcidejinta Somaliland si ay go,aan uga gaadhaan Ansixinta Saldhiga Milatari ee Imaraadku ku yeesho Somaliland.

Madaxweynihii 9aad Ee Soomaaliya Oo maanta La Dooranayo, Iyo Kalaa Hoorida Musharaxiinta Oo ka Furmeysa Xarunta Ciidamada Cirrka

 

 

Xigasho Wargeyska Sahan

 

 

 

 

 

 

 

 

jidhifQoryaalenews2@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here