Guddoomiyaha Baarlamanka Oo Ka Xamaam Uruursanaya Hoyga Wakiiladda Iyo Muddane Golihiisa Ka Mid Ah Oo Majaraha U Qabandoona

0
535

Guddoomiyaha Baarlamanka Oo Ka Xamaam Uruursanaya Hoyga Wakiiladda Iyo Muddane Golihiisa Ka Mid Ah Oo Majaraha U Qabandoona

ciiiiro

Siyaasiyiinta  Iyo Xildhibaanada Gobolada Bari Oo Ku Heshiiyey In Xildhibaan Saleebaan Cali Koore La Wareego Saamiga Ka Maqan Ee Baarlamaanka

 warar hoose oo Soo gaadhay Xafiiska Warqabad Wargeyska SAHAN ayaa sheegaya in guddoomiyaha golaha baarlamaanka Somaliland ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) baneynayo mansabka hogaaminta baarlamaanka dalka isla markaana debada ugu baxayo mucaaradnimo xoog badan oo uu iskaga muquuriyo awooda kaga yimi dhanka xukuumada Somaliland si uu iskaga caabiyo xulufada xisbul xaakimka talada dalka haya ee KULMIYE wararka ayaa tibaaxaya in guddoomiyuhu ku adkaystay inuu baneeyo jagada baarlamaanka. sidoo kale waxaa jira ilo tibaaxaya in taa badelkeeda masuulkii majaraha uqaban lahaa laga dhigo xildhibaan baarlamanka ku jirra balse ka soo jeeda beelaha harti kaas oo laga shaybaadhay inuu hanan karro xilka lagu maamuusay si loo dheeli tirro siyaasadii dalka ee tabashadu ka taagnayd. xogo wargeyska sahan helayo ayaa sheegaya in xildhibaan saleebaan cali koore oo mudanayaasha golaha wakiilada ka tirsan hogaanka uqaban doono xildhibaanada baarlamaanka maadaama uu muddo 25 sano ah aaminsanaa mabaadiida qaranka Somaliland kaas oo kula shaqaynayey xukuumadihii ukala dambeeyey xukunka dalka isagoona kaalmo wax ku ool ah ka ciyaaray moorooyinkii cakirnaa ee dalka soo maray xildhibaan saleebaan cali koore ayaa noqdey wasiirkii xanaada xoolaha cahdigii madaxweyne cigaal isagoona ku suntan masuulkii gaadhsiiyey dastuurfidinta gobolada bari kaas oo dadka deegaanada gobolada bari ku dhiiri galiyey ka qayb qaadashada samaha dawladnimada. waxaa sidoo kale masuulkani ka qayb qaatay nabadeyntii deegaanada taleex, awrgoobays ,sool iyo deegaano kale. dhanka kale waxaa soo baxaya shirar ay galeen siyaasiyiinta beelaha harti iyagoona ku shirabay qorshe ay kula wareegayaan mansabka guddoomiyaha baarlamanka dalka kaas oo ay ku heshiiyeen inay saaraan muddane og wacyiga dalka kana talaabsan kara jalaafooyinka ka horyimaada hadii ay saaraan hogaanka baarlamanka. siyaasiyiintan oo ku heshiiyey in xildhibaan saleebaan cali koore awooda olalaha lagu hananayo guddoomiyaha baarlamanka laysugu geeyo waxaana udhow dahay in mudane koore noqdo guddoomiyaha haga siyaasada xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland.

Xigasho/Wargeyska Sahan

qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here