Xafladdaan ayaa waxaa la sheegay in ay ku sugan yihiin in ka badan 200 xildhibaan oo taageersan dib usoo doorashada Xasan Sheekh una arka shaqsi howsha qaran kasoo bixi kara.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray hotelka, halkaasi oo uu kula hadlayo xildhibaanada taageersan.
Kulankaan ayaa kusoo beegmay xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan xod-xodasho iyo kala jiidasho, iyadoo saacado kooban ay ka harsan yihiin xiliga doorashada madaxweynaha cusub ee dalka hoggaamin doona afarta sano soo socota.