Hoggaamiyaha ruuxiga Iran Ayatollah Khamenei oo sheegay in Donald Trump uu yahay “wajiga rasmiga ah ee Mareykanka”

0
456

Hogaamiyaha ugu sarreeya ee dalka Iran Ayatollah Khamenei ayaa uga mahadceliyay Donald Trump in uu bannaanka soo dhigay “wajiga rasmiga” ah ee Mareykanka.

Ayatollah Khamenei ayaa hadalkan ka sheegay goob uu khudbad ugu jeedinayay ciidamo uu ku booqday gudaha dalkaasi Iran, waxa uuna sheegay in shacabka reer Iran ugu jawaabaan Donald Trump sanad-guudaha maalinta kacdoonka ee sanadkii 1979 taas oo la xusi doono maalinimada Jimcaha ah.

” – Cadow ku dhiirran kara in uu cuuriyaamiyo qaranka Iran ma jiro, waxaana Ilaahay iyo Donald Trump uga mahadcelinayaa in ay bannaanka soo dhigeen wajiga rasmiga ah ee Mareykanka”, ayuu yiri wadaad Khamenei.

Waxa uu sheegay wadaadka in Donald Trump uu ku yiri shacabka reer Iran “in ay isaga ka baqaan”, laakiin waxaan leeyahay jawaabta shacabka waxa aad heli doontaa maalinta Jimcaha ah oo ay taariikhdu ku beegan tahay 10-ka bisha Febrayo.

Jawaabta wadaadkan ayaa imaaneysa xilli maalmo ka hor uu madaxweyne Donald Trump ugu hanjabay in ay cunaqabateyn saarayaan sharikado iyo shakhsiyaad Iraniyiin ah kaddib markii dalkaasi dhawaan tijaabiyay gantaallo.

Si kastaba, maamulkii Obama iyo dowladda Iran ayaa sanadkii 2015 waxa ay kala saxiixdeen heshiisyo saamaxay in Mareykanku ka qaado cunaqabateynta dalka Iran kaddib markii iyadana ay ka tanaasushay inta badan barnaamijkeeda “hubka wax gummaada”.KHUMENI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here