Kooxda Man City Oo Garoonka Etihad Stadium Ku Xasuuqday Swansea City, Iyada Kaalinta Saddexaad Iska Soo Xaadirisay

0
498

Manchester City ayaa dirqi kaga badbaaday halis wayn oo ay xili danbe kala kulantay kooxda Swansea City waxaana kooxda Guardiola guul muhiim ah iyo kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier leaque-ga ku hogaamiyay da’yarka dardarta la soo galay England ee Gabriel Jesus kaas oo waqtigii  dhamadka  ee ciyaarta kooxdiisa u saxiixay goolka guusha halka uu sidoo kale ahaa xidigii goolka furitaanka u saxiixay City. Man City ayay guushani ka caawisay in ay dagaal iska soo mariso kooxihii guuldaraystay ee Arsenal iyo Liverpool.

Tababare Pep Guardiola ayaa ku sii adkaystay go’aankii uu kulankii West Ham United kaydka ku dhigay goolhaye Claudio Bravo iyo Sergio Aguero wuxuuna sii aaminay Willy Caballero iyo Gabriel Jesus oo qaab ciyaareed fiican muujiyay isla markaana kooxdiisa sare u soo qaaday.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Man City (3-2-4-1): Caballero; Stones, Kolarov, Clichy; Fernandinho, Toure; Sterling, De Bruyne, Silva, Sane; Gabriel Jesus.

Kaydka:Bravo, Kompany, Zabaleta, Fernando, Aguero, Navas, Delph.

Swansea (4-3-3): Fabianski; Naughton, Fernandez, Mawson, Olsson; Carroll, Fer, Cork; Routledge, Sigurdsson, Llorente.

Kaydka:Nordfeldt, Kingsley, Amat, Britton, Narsingh, Dyer, Borja.

Manchester City ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo maanka ku haysay in ay guul ay Etihad Stadium kaga gaadhaa ay ka caawin kartay in ay kaalinta saddexaad ka soo gali kartay miiska kala saraynta Premier leaque-ga kadib guuldarooyinkii xalay soo gaadhay kooxaha ka sareeyay ee Arsenal iyo Liverpool, sidaa daraadeed kulankan ayay Sky Blues muhiimad wayn siinaysay.

Qaybtii hore  ee kulankan waxa uu si buuxda u ahaa kulan ay ciyaartu hal dhinac oo kaliya ka socotay, Manchester City oo weerar ah iyo Swansea City oo aan difaacasho mooyee shaqo kale qaban. Laakiin waxaa lama filaan ah ahayd in sida ay Manchester City fursadaha badan u heshay iyo sida ay maamulka ciyaarta u haysatay in ayna goolal badan ula iman.

DAQIIQADII 11 AAD GOOOOOOOOOOOL! Da’yarka Gabriel Fernando de Jesus ayaa sii watay saamaynta fiican ee uu ku yeeshay kooxdiisa Manchester City wuxuuna kooxda Swansea City ku ciqaabay qalad xun oo ay sameeyeen isaga oo inta uu kubbada xoogsaday si fiican u dhamaystiray isla markaana kooxdiisa City ka caawiyay in ay xili horeba 1:0 ku qabto hogaanka ciyaarta.

Waa goolkii labaad ee uu Gabriel Jesus ka dhaliyay horyaalka Premier leaque-ga labadii kulan ee uu ku soo bilawday shaxda Guardiola, waana xaalad walwal wayn ku ah Sergio Aguero oo booskiisa uu ka qaatay. Manchester City ayaa qaybtii h–e ee kulankan boqolkiiba 74% boosishanka haystay waxayna goolka Swansea City ku tuurtay 10 darbo oo ay saddex ka mid ah bartilmaameedkooda helLaakiin waxaa wax qabadkii Swansea City  ee qaybtii h–e ee kulankan soo koobayay in ay boosishanka haysteen boqolkiiba 26% oo waliba xerada ganaaxa kooxooda u badan isla markaana ayna hal darbo ku tuurin goolka Manchester City laakiin kooxda Guardiola ayay wax lala yaabo ahayd in ayna goolal badan la iman, waxaana qaybtii h–e ee ciyaarta lagu kala nastay 1:0 ah oo ay Man City gacanta sare ku lahayd.een.

Raheem Sterling ayaa xerada ganaaxa Swansea City ku  dhex dhacay wuxuuna ku dooday in qalad lagu galay oo laakiin garsoore Mike Dean ayaa kaadhka digniinta ah ku siiyay in uu quusay ama uu istuuray. Mike Dean oo muran badan xili ciyaareedkan abuuray ayay mar hoos loogu celiyay heerka labaad balse waxa uu markale ka mid noqotay garsoorka premier leaque-ga dhex dhexaadinaya.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Swansea City la soo baxday qaab ciyaareed fiican waxayna sare u qaaday madax si ay u raadiso goolka barbaraha halka Manchester City ay doonaysay in ay sii ahaato kooxda maamulka ciyaarta sii haysata.

DAQIIQADII 48 AAD BIRTA GOOLKAAAAA!!!!. Swansea City ayaa ku guulaystay kubbad laaga xorta ah oo loo dhigay meel xerada ganaaxa Man City ka baxsan waxaana darbo goolka barbaraha Swansea City loo filan karayay soo tuuray Gylfi Sigurdsson laakiin ma rumaysan kartida qaabka uu goolhaye Willy Caballero kooxdiisa uga badbaadiyay gool cadaan ahaa isla markaana waxay kubbadu ku sii dhacday birta goolka. Claudio Bravo ma daawanaysaa?.

Xaqiiqadii goolhaye Willy Caballero ayaa sameeyay gool badbaadin xaalad xun sii galin doonta Claudio Bravo kaas oo ku fashilmay inuu xili ciyaareedkan soo min guuriyo qaab ciyaareedkii uu Barcelona kaga soo caawiyay labada koob ee horyaalka La Ligaha ahaa. Markiiba waxaa la bilaabay in Caballero iyo Bravo lays barbar dhigo.

Ciyaarta ayaa noqotay mid ay Swansea City si wayn u raadinaysay goolka barbaraha halka Manchester City ay dhibaato ku noqotay in ay ciyaarta disho oo ay la timaado goolkeeda labaad.Kooxda Swansea City oo ka baxsanaysa heerka labaad ayaan marnaba ka quusayn in ay ciyaarta dib ugu soo laabto.

DAQIIQADII 81 AAD GOOOOOOOOOOOL! Swansea City ayaa ugu danbayn ka midho dhalisay dadaalkeeda waxayna heshay goolka barbaha ee ay qaybtii danbe ee ciyaarta oo dhan raadinaysay waxaana goolkan u saxiixay xidiga markii horeba goolka cadaanka ah laga badbaadiyay ee  Gylfi Sigurdsson kaas caawin ka helay Luciano Narsingh waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1:1 ah.

Waxay noqotay waxaanla rumaysan karin in ciyaartoy ay tahay babraro 1:1 ah iyada oo Machester City ka ay shalaysto wayn ku noqotay in qaybtii h–e ee kulankan ay lumisay fursad ay ciyaarta si buuxda ugu dili kartay, wuxuuna Guardiola markiiba ciyaarta ka saaray Raheem Sterling wuxuuna kaydka uga yeedhay Sergio Aguero bal in uu kooxdiisa badbaadin karo waqtiga ciyaarta ka hadhsanaa.

DAQIIQADII 90+2 AAD GOOOOOOOOOOOL!!! Gabriel Fernando de Jesus ayaa markale kooxdiisa u dhaliyay goolka guusha ay Swansea City ku qalbi jabiyeen kadib markii uu Guardiola iyo kooxdiisa Sky Blues ka caawiyay in aanu dadaalkoodu noqon mid lagu qasaaray wuxuuna xidiga ree Brazil muujiyay sida uu guulayste wayn ugu noqonkaro Etihad Stadium isaga oo ciyaarta ka dhigay 2:1 ay Man City hogaanka ciyaarta ku qabtay waqtigii dhimasada ee dhamaadka ciyaarta.

Gabriel ayaa markii horeba arkay darbo uu madaxa u tuuray oo uu badbaadiyay Fabianski laakiin cag fudaydkiisa iyo in difaaca Swansea City ayna xidigan xidhan ayaa ka caawisay in uu dhaliyo goolkiisii saddexaad ee Premier leaque-ga wuxuuna sidaa guul iyo kaalinta saddexaad ee premier Leaque-ga ugu hogaamiyay Man City.MC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here