Dabley U Dhego Nugul Maamuulka Madaxweyne Gaas Oo Albaabada Iskugu Dhuftay Garoonka Diyaaradaha Buhoodle, Hogaamiye Cali Khaliif Oo Looga Horjoosaday Socdaalkiisi Dalka Jabuuti. .

0
578

Buhoodle(QoryaaleNewscali khalif) Waxaa maalinti shalay Gabi ahaan Lala Wareegay Garoonka Diyaaradaha Ee Ismaaciil Mirre ee magaalada buhoodle waxaana halkaas lagu horjoogsaday weftii ka tirsan Maamuulka Khaatumo oo usii Ambabaxayeey Magaalada Djibouti halkaas oo ay kaaga qaybgalayeen Wejigi labaad ee wadahadalka xukuumadda Somaliland iyo Kooxda Khaatumo , Qabashaada Garoonka diyaaradaha ayaa Imanayaa kadib markii si xawli ay usocdeen maalmihii ugu dambeeyay shirqoolo waaweyn oo maamulka Puntland uu wado kaasoo ka dhan ah garoonka Ismaaciil Mirre ee Buuhoodle, ayagoo doonayey in la xidho.

Maamulka Puntland ayaa aad isugu taxlujiyey inay diyaaradaha u diraan waraaqo iyo digniino ah inaysan tegin halkaas. Waxaanay ugu dambayn ku Guuleysteen inay khal khal geliya amaanka gegida, kuwaas oo adeegsaday Dad kasoo jeeda deegaanka Buhoodle maamulka Khaatumo ayaa ku tallo jirey inay Hay’ado caalami ah keenaan magaalada Buuhoodle, kuwaas oo dhismayaal, maalgelin iyo mashaariic waa weyn ka fulin lahaa, taasoo si kastaba ay doonayaan inay u fashiliyaan dadaalada xukuumadda Somaliland ka waddo Agaaga deegaanka buhoodle

Dhanka kale Maamuulka Puntland ayaa adeegsaday waxmagarato gudaha iyo debeda iskaga xidhan, kuwaas oo khal khal gelinta amaanka moodaya inay ku xumaynayaan keliya maamulka Khaatumo iyo xukuumada Cali Khaliif, halka aysan eegayn cawaaqib xumada uu amaanka Gobolka u soo jeedayo ficiladoodana ay cadowga ugu adeegayaan.

Sidoo kale Maamuulka Puntland ee gaadhwadeenka ka yahay madaxweyne Gaas ayaa Geed dheer iyo Mid Gabaan uu fuulay sidii ay Uu Majaarhabaabiin lahayeen horumarka ka socda deeganada khaatumo ee ay gacanta ku hayso xukuumadda Somaliland, waxaanauy sidoo kale hiigsanaysaa sidii ay u khalkhalin lahayd wadahadalka xukuumadda Somaliland iyo kooxda khaatumo ee lagusoo afjaray khilaafadkii siyaasadeed ee udhexeeya xukuumadda Somaliland iyo khaatumo, balse xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inay qaado talaabo ka dhana ah Maleeshiyadaas si looga saaro garoonka Ismaaciil Mirre ee Magaalada buhoodle.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

qoryaaleNews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here