Arsenal Oo Khadkeeda Dhexe Ka Muuqato Habacsanaan Badan Ayaa Xiisaynaya Laacibka Khadka Dhexe Ee Micheal Carrick

0
475

Macalinka Manchester United ee Jose Mourinho ayaa sheegay in Michael Carrick uu ka weyn yahay da’dii uu qandaraas cusub uga heli lahaa kooxda  Old Trafford isagoo sheegay iney u badan tahay in xidigaan uu isaga tago kooxdiisa dhamaadka xili ciyaareedkaan.

Carrick, ayaa 11 kulan oo Premier League ah u saftay kooxdiisa United xili ciyaareedkaan laakin qandaraaskiisa ayaa dhici doona dhamaadka xili ciyaareedkaan, wuxuuna xidigaan noqon doono 36 sano jir, wuxuuna Jose oo ka hadlayay uu yidhi “Aan daacadnimo u hadalno, waxaan arkay waxyaabo badna oo wanaag ah oo ka yimid Michael laakin ma awoodo inaan ku laabto kaadhkiisa oo aan ka jaro 5 sanadood, Michael ma ahan 30 jir” ayuu u sheegay Daily Mirror.

Warkaan ayaa ka hor imaanaya warkii uu sheegay Mourinho bishoo November ee ahaa “Waxaan wali heysanaa Michael Carrick, malaha xili ciyaareed kale ayaan sii heysan doonaa” sidoo kale isla warkaan ayaa farxad gelinaya Arsenal oo xiiseyneysa saxiixa xidigaan khadka dhexe kaasoo ku guuleystay shan horyaal oo Premier League ah.

The Sun ayaa saakay qortay in maamulka Arsenal ay ka fakarayaan soo xergelinta xidiga khadka dhexe ee qandaraaskiisa United uu dhacayo iyagoo doonaya iney xoojiyaan khadkooda dhexe ee ay habacsanaanta ka muuqato

arsqoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here