Waxay u muuqatay in waayihii ciyaareed ee Aleix Vidal uu ku lahaa Camp Nou ay tirsan yihiin isla markaana ay soo dhamaanayeen, laakiin iyada oo aan Barcelona wax saxiix cusub ah samayn suuqii bishii January ayuu Aleix Vidal dib u dhashay wuxuuna kooxda Luis Enrique u noqday sidii uu hadda yahay saxiix cusub oo kooxda lagu soo daray. Kadib markii uu 14 kulan oo horyaalka La Ligaha ah oo waliba xidhiidh ah aanu hal daqiiqo ka ciyaarin isla markana uu inta ugu badan ka maqnaa liiska ciyaartoyda uu Luis Enrique magacaabayay ayuu ugu danbayn Aleix Vidal noqday xidig ku soo
bilaaban kara shaxda Barcelona.
Wacdarihii uu ka dhigay kulankii Athletic Bilbao ee Camp Nou ayuu Aleix Vidal ku muujiyay in uu yahay xidig mustaqbal ku leh kooxdiisa Barcelona isla markaana waxa uu cadeeyay in u dagaalami karo booskiisa. Aleix Vidal laba kulan xili ciyaareedkan ku soo bilawday shaxda kooxda Enrique ee La ligaha wuxuuna ku dhaliyay laba gool halka uu sameeyay hal gool caawineed isaga oo goolkiisa ugu danbeeyay dhaliyay kulankii Bilbao.
Goolkiisii ugu horeeyay ee Aleix Vidal uu Barcelona ayay dhamaan ciyaartoyda kursiga kaydka Barcelona fadhiyay iyo waliba tababare Luis Enrique si wayn ugu farxeen waxayna ugu dabaal degeen si ayna goolasha kale ugu dabaal degan laakiin markale ciyaartoyda kursiga kaydka Barcelona ayaa hal mar qosol iyo farxad isku daray markii uu Aleix Vidal si fiican u dhamaystiray goolkiisii kulankii Bilbao, wuxuuna halis weerar iyo difaacasho fiican ku muujiyay kulankii Camp Nou.
Si kastaba ha ahaatee, markii uu muddo badan ku dhibtoonayay Camp Nou isla markaana la sugayay waqtiga uu kooxda Barcelona ka bixi doono waxa ay hadda jamaahiirta Barcelona iyo Luis Enrique ay arkeen waxa uu Aleix Vidal ku soo kordhin karo kooxdooda isaga oo guud ahaan sameeyay afar gool caawineed iyo laba gool taas oo muujinaysa sida layaabka leh ee uu isku badalay waqti kooban.
Iyada oo Barcelona wali ku jirta saddexda koob ee ay u ordayso isla markaana uu Luis Enrique si joogto ah shaxdiisa isbadal ugu sameeyo ayay Aleix Vidal fursad fiican u tahay inuu dib u helay qaab ciyaareedkii uu horeba Barcelona ugu soo jiitay.
Sidoo kale Paco Alcacer ayaa u muuqda mid kalsooni soo helaya halka Andre Gomes uu haddaba si joogto ah uga ciyaarayo khadka dhexe ee Barcelona laakiin Samuel Umtiti ayaa ah xidiga layaabka ka dhiga Barcelona ee ka mid ah saxiixyadii ay Barcelona samaysay suuqii xagaagii iyada oo Barcelona soo wada guulaysatay kulan kasta oo uu La Ligaha ka soo muuqday xidiga ree France.
q