Dadweyne fara badan oo Dibadbax ku taageerayan go’aanka badda ee maxkamadda ICJ oo ka dhacay Muqdisho: SAWIRRO

0
543

Dadweyne farabadan ayaa kasoo qeybgalay bannaanbax maanta ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere kaasoo lagu soo dhaweeyay go’aanka ay Maxkamada Caalimga ee Caddaalada ka gaartay diidmada Kenya ee aheyd in Maxkamad aysan qaadi karin dacwada Badda ee ka dhaxeeysa Soomaaliya iyo Keyna.

Dibad baxa ayaa waxaa kasoo qeyb galay Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,ururuda Bulshuda iyo uruka Haweenka Qaranka iyo midka Gobalka Banaadir.

Banaadir.

 

Mas’uuliyyin goobta ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Gobalka Banaadir Yuusuf Xsueen Jimcaale oo sheegay in go’aanka ay gaarta Maxkamada ICj uu yahay mid farxad leh.

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasada ee Gobalka Banaadir  Maxamed Axmed Diiriye Yabooh ayaa sheegay in Gobalka Banaadir oo matalay Gobalada kale ee Dalka Shacabkiisa ay isugu soo baxeen sidii loo soo dhaweyn lahaa go’aanka Maxkamada.



.

qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here