Madaxweynaha ayaa g`aankan ku sheegay mid farxad u leh umadda Soomaaliyeed, waxaana uu ugu baaqay shacabka soomaaliyeed inay Alle bariyaan si uu ugu guuleeyo dacwadaasi.
“Alle ayaa dadka Soomaaliyeed ku guuleeyay inaan helno dib u hanashada baddeena ee dacwada ku jirta ee maxkamadda caalamiga hor-taagan, dadaalkeenna waan qabanay, inta dhimmanna waan qaban doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha.
Shalay ayay aheyd markii maxkamaddu ka fariisatay bal in ay qaaddo muranka dacwadeed ee dhanka badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ay kusoo gunaanaday maxkamaddu in ay dacwaddaasi qaadeyso.