Guddida Dorashoyinka Soomaaliya Oo Hakadgeliyay Dooda Musharaxiinta Soomaaliya, Iyo Jadwalka Cusub Ee Musharaxiintaas Oo Lasoo saaray

0
479

Hargeysa(QoryaaleNewsguddida d s) Guddiga qaban qaabada musharixiinta xilka madaxweynaha oo goor dhaweyd shir jaraa’id qabtay magaalada Moqdisho ayaa sheegay in gabi ahaanba la joojiyay dooddii musharixiinta oo qorshuhu ahaa in maanta la qabto. Guddoomiyaha gudiga doorashada doorashada Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo gooreyd la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa faah faahin marka hore ka bixiyay wax sababay in ay baaqato dooddii maanta qorshuhu ahaa in la qabto.

‘’Sida aan horayba u sheegnay jadwalka doorashadana ku qoran maanta waxey aheyd in la hergaliyo qeyb ka mid ah jadwalka doorashada oo aheyd in musharixiinta dadka hor yimaadaan su’aalo toos ahna la weydiiyo, labo qeybood ayaan u kala qeybinay musharixiinta oo kala ah 12 musharax in gallinka hore ka qeyb-qaataan doodda, halka inta kalana loo qorsheeyay in ay soo xaadiraan galinka danbe, waxaana soo ajiibay oo noo yimid 9 musharax, markii ay doodda wax xooggaa socotay ayaa ogaanay in Internetku laheyn awood uu ku gudbin karo doodda oo loo

baahnaa in toos loo tabiyo, waan tan keentay in dooddii halkaa ku baaqato’’ ayuu yidhi guddoomiyaha gudiga doraashada.Guddoomiyaha ayaa sheegay in arintan aheyd mid tijaabo ah oo ku cusub marka la eego jadwalka doorashada madaxweynaha, sidaa daraadeed waxaa uu sheegay in ay go’aan ku gaadheen gabi ahaanba in la joojiyo doodda oo halkaa lagu hakiyo, madaama ayuu yidhi waqtigu aad u kooban yahay. ‘’Arintan markii horeba waxaa ay iska aheyd arin tijaabo ah oo ku cusub jadwalka doorashada, sidaa daraadeed waxaan go’aan ku gaadhnay in gabi ahaanba aan halka ku joojino doodda, madaama waqtigu aad ciriiri noogu yahay, dhinaca kalana jadwalku naga qaldamin’’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay guddoomiyaha gudiga doorashada.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xaafiska QoryaaleNews/Muqdisho

Qoryaalenews2@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here