Shirkadda telesom Oo Warsaxafadeed Kasoo Saartay Mawqifkeeda Go,aankii Xukuumadda Ee Isticmaalka Adeega Zaad

0
538

Hargeysa(Sahan) shirkada Isgaadhsiinta Casriga ee Telesom ayaa warsaxafadeed kasoo saartay Go,aankii xukuumadda somaliland ku xadiiday isticmaalka adeega Zaad gaar ahaana qaybta Zaad, warsaxafadeedkan oo ku saxeexna Gudoomiye ku xigeenka shirkada telesom ayaa lagu faaqiiday Mawqifka shirkada telesom ka tagaantahay go,aamada kasoo baxay xukuumadda somaliland waxaanu War-Saxaafadeedkani uu qorna sidan ;

War-saxaafadeed: Adeegga ZAAD sabab uma aha Sicir Bararka

Annaga oo tixraacayna go’aankii Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ee xalalka sicir Bararka wadanka. Go’aamadaasi oo ay ka mid ahaayeen in “Adeegga Moobilka Lacagaha lagu isticmaalo” uu yahay sababta keentay sicir bararka dalka ka jira xilligan.

Shirkadda Telesom iyada oo dareensan xaaladda adag ee uu wadanku marayo iyo saamaynta abaarta iyo sicir bararku ku hayaan Bulshada, waxay markastaba soo dhoweynaysaa qodob kasta oo xal dhab ah u noqon kara sicir bararka. Waxanu caddeynaynaa in aanu shirkad ahaan si mug leh uga shaqeynay xaaladaha sicir-bararka, oo aanu wakhtiyo kala duwan Xukuumadda Somaliland & Baanka Dhexe ku barbar istaagnay lacag Malaayiin Dollar ah si loo xakameeyo

sicir bararka, isla markaana aanu si joogto ah uga bixinay tallooyin af iyo qoraalba oo kuwajahan kor-u-qaadista qiimaha shilling-ka Somaliland. Waxa kale oo xusid mudan in shirkaddu ku maalgelisay dhaqaale culus “Adeegga ZAAD Somaliland Shilling” si ay uga qayb-qaadato dhiirigelinta Shilling-ka. Waxa marag-madoon ah in Adeegga ZAAD uu kaalin weyn kaga jiro horumarka Ganacsiga iyo isku-tiirsanaanta Bulshada, taasi oo tusaale ay u tahay gurmadka Abaaraha. Sidoo kale, adeegga ZAAD waxa uu noqday hawl-fududeeye kaalin lafdhabar ah kaga jira wax kala iibsiga iyo isu xawilka lacagaha. Sidaas darteed, Telesom waxay caddeynaysaa in adeegga ZAAD aanu marnaba sabab u ahayn “Sicir-Bararka” iyada oo 8-dii sannadood ee adeeggu uu shaqeynayay marxalado kala

duwan uu sarifku soo maray oo qaarkood uu gaadhay halkii u hooseysay.Shirkadda Telesom waa shirkad Qaran, oo ka shaqaysa danaha iyo horumarka bulshada, markastana u keenta adeegyo waxtar u leh, kana fog waxkasta oo dhibaateynaya ummadda., Ugu dambayntii, ZAAD-ku waa adeeg ballaadhan oo bulshada Somaliland oo dhan isticmaasho miyi iyo magaalaba, muddo kooban oo 48 saacadood ah in lagu xadido waa mid aan marnaba caqli ahaan, farsamo ahaan iyo sharci ahaan toona suurtogal ahayn.

 

 

 

Qoryaalenews/Hargeysa Office

Qoryaalenews2@gmail.comtelesommm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here