“12 Gaadhi Oo Suug Ku Jiro Ayaa Dadkii La Geliyay,Boolis Bay Ahayd In Loo Diro Shidaal Baadhistuna Waa Sharci Darro”Xil Faarax Dheere

0
654

Xildhibaa Faarax maxmauud cabdule oo ka mid Ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee kasoo Baxay Gobolka Saaxil ayaa Si Adag uga Hadlay Arinta Shidaal Sahaminta ee Wasaarada Macdanta Somaliland ka wado Gobolka Saraar isagoo Wax laga Xumaado ku Tilmaamay In Wixii uu Ka dagaalamay Madaxweynaha Somaliland uu Maantana Ku sameeyo Shacabkiisii i sla markaana Dadkii Jilicsanaa ee Ay Abaaruhu Saameeyeen La geliyo Ciidan Milatari Si Loo Baabiyo deegaankooda

Gobolka Saraar Maanta Waxaa Ka Taagan Xaalad Adag ,Xaaladanina Waxa Ay ku Socoto Anagu Garan Maayo,Anagu dee Xeerdejin Baanu Nahay,Baarlamaankii Baanu Nahay,Gudidii Khayraadka Dabiiciga Ah Baanu Nahay,Hawshaas la leeyahay Shidaal Ayaa La Baadhayaa Anigu Waxaan Qabaan Shidaal Lama baadhayo

Shidaal Hadii La Baadhayo Waa Khayraadkeenii Laakiin Dee Shidaalku Fududaa,Sharicigiisii Waa Ay Soo Gudbiyeen Anagase nama Soo gaadhinWuxuu Yidhaahdaa Wasiirku Baarlamaanka Ayuu Yaalaa Sharcigiisu Waxaa laga yaabaa Mooji inuu Gudoomiyaha Golaha u Keenay Balse Gudiyada Khayraadka Dabiiciga Ah Nalooma keenin nalaguma odhan kasoo Tala Bixiya Goluhuna Si Ayuu u Shaqeeyaa Hada Eeg Wuxuuna u Shaqeeyaa Hadba Wixii Xukuumadu soo Gudbiso Gudida Ku Shaqada Leh ayaa la dhahaa kasoo talo bixiya,Anaga weli nama soo gaadhin nin kastaana Hadalkiisa Waa inuu Sumad ku Dhigtaa Hadaanu nasoo gaadhina Sharci Lagu maamulaa ma jiro

Xukuumada Waxaa uu Sharcigu u Siinaya inay Shidaalka Dalka ka soo saari Karto Awoodana Iyadaa u Leh,Laakiin Sharci Ayaa Sheegaya Waxaanan Leeyahay Ma Samaysna Sharcigii Shidaalka lagu baadhayay Anagana Weli nama soo gaadhin

Waxaan Kaloo Idiin Sheegayaa Arinta Shidaal baadhistu Marka Shirkad Heshiis Lala Galo Waxaa ay ka mid tahay Kuwa uu Golaha Baarlamaanku Ansixinayo Waxaana cadaynaya Sharciga Ah Golaha Wakiiladu Waxaa uu Ansixinayaa Heshiisyada Keenaya Culays Dhaqaale oo aan kusoo Aroorin Miisaaniyada Qaranka Kuwaasi oo Keeni Kara Culays Miisaaniyadeed,Nabadgelyo iyo Siyaasadeed Horta dee Taasna Xukuumadu Maysan Keenin,Waanu Kala Hadalnay Anagoo Gudida ah iyo Anagoo Baarlamaanka ahba Lamana Keenin,Waxaanan Leeyahay dee Kii Dekedaba Waa Naloo Keenay oo Waanu Ansixinay,Wixii aanu Ansixinay Waxaan ahayna Hadii La Galo Waa Denbi Qaran,Waana in la Ogaadaa Xukuumadu Denbi Qaran Ayay ku Jirtaa

Arinkani Shidaalka Hadii aan Goluhu Ansixin Waa Denbi Qaran Welibana waxaa Isaga u Dheer Xataa Sharcigiisii Lagu Ansixin Lahaaba Ma Samaysna Waana Xaaraan In La Sahamiyo Shidaalka Welibana Waxaa Jirta iyadoo uu Xaaraantaas Yahay oo Dadkii Abaar ku jiro oo Waqti adag lagu Jiro misana in Dhulkii Bacaha lagu Qoday ee Dadka Byaha Loogu Shubay Dadka Jilicsan Cagaf Ayaa la Geliyay,Kacdoonkaas Hada la sheegayo ee Jiraana wuxuu ka Kacay Cagaftii oo Dadkii La Geliyay,Dadkii oo aan Waxba ogayn Xataa Wacyi gelin Ma Laha ,Dee Sharciba Maahee Horta xagee ayay Wacyigelintu Joogtaaba,Wuxuba Waa Wada Madoow,Waana sharci daro Wixii halkaa ka dhacana Waxay Maraysaa Iminka Boolis iska Daaye in Milatari Loo Dalbado dadkaas oo Qoryo Suug ah La Geeyo Deegaanka,Milatarigana waxaa loogu talo galay inaynu Cadawga iskaga Difaacno ee Maaha in Dadka Loo Dalbado Boolis Keliyaa ku Filan,Waxaanan idiin Sheegayaa 12 gaadhi oo suug ku Jiro oo Milatari ah Ayaa Jooga,Waar Wxaay ku dhacday waxasi anagu garan Mayno Ileen dad leh Waar Maxaa dhacay  ileen Bacaha Biyo ayaa noogu Jiraye,oo geedkaas Xoolahaa noo hadhsanayee ileen Cagaf Hana Gelininee ,oo Shcibkaagii ah Inaad Milatari Gelisaa Waa Xaaraan,Waar dee Milatari la Is geliyaa waa wixii ay Shacabka Somaliland ka Dagaalameen ee lagu Riday Dawladii Siyaad Barre,Waxaanu leenahay dee Madaxweynuhu Inuu Ogyahay iyo In Kale Anagu ma Ogin,Waxaanan Isleeyahay Malahayga Ma oga Madaxweynuhu Ileen Tani oo kale waa Wixii uu Ka Dagaalamee,Milatari Dadkiisa La Geliyaa Waa Wixii uu Ka Dagaalamay,Waana Sharci Daro,Waa Xaaraan Maqdaca Heshiiskaas Lala Galay Shirkadaas la leeyahay Shidaal ayay Baadhaysaa

Xaafiska QoryaaleNews Hargeysa

qoryaalenews2@gmail.comfarax dheere

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here